Bismillah Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
1-Caynba Cayn Aduunyadu,Cisho Noolba Camalkeedah,
Abdiraxmaan La Yaab Ma Leh,Carcaraaf La Soo Maray.
2-Colaadihiiba Ma Ogayno,Canaan Ma Laha Odayguye,
Cadaw Maxawgu Sheegteen.Ceeb Bay Inagu Tahaye.
3-Cuqdad Lama Abuuriyo,Cuduro Kala Fogaynaayah,
Casharadii La Soo Maray,Ceelka Nimakii Joogayow.
3-Cid Kalo Wax Saartaan,Caradan Miyay Ku Noolyiin,
Cunufka Iyo Dagaalada,Waad Ku Caano Maashaan.
4- Cuyub Bay U Socotaaye,Cirka Miyuu Dad Uga Iman,
Cagahaw Dhiga Amaanko,Calafkiina Kala Qqada.
5-Caa'lad Walaalo Ah,Colaadaad Inaad Ku Beertaan,
Cay Bay Ku Tahay Shacabko,Caqligaanay Gelahayn.
Ismail Abdillahi Handuleh.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!