Doorashada November maxay uga dhigantey Somaliland?. Maxayse uga dhigantey SSC? By. Naaleeye

Sunday September 01, 2024 - 08:12:48
hadhwanaagtv
Muuse oo xukunka iska jooga ama doorashada ku guuleystaa,


Maxamed C. Cirro, musharaxa Xusbiga Wadani oo doorashada ku guuleysta waxay ka dhigantey beesha dhexe oo midowdey. Beesha dhexe oo midowdeyna waxay ka dhigantey Somaliland oo midowdey. Reer SSC na, waxay uga dhigantey culeys iyo cidhiidhi siyaasadeed. Mar kastoo Beesha dhexe midowdo, mar kastoo reer SSC culeys ku yimaado.

Haddii Cirro guuleysto maxaa dhacaya?.

1.Beesha dhexe oo midowda + reer Awdal iyo Salalal.

2.Beesha Garxajis oo lagu qiyaaso 35% cududa beesha dhexe oo sabab u ahayd fashilkii iyo jabkii Muuse Biixi, kadib markay iska diidey inay fuusho buudhigii madhnaa ee Muuse Biixi u bixiyey difaaca dalka, waxay ku soo biiri doontaa difaaca dhabta ah ee dalka, waxaana meesha ka bixi doona magacii Muuse Biixi bixiyey ee ahaa cadowga gudaha.

3.Difaaca dalka ee M. C. Cirro ka shaqeyn doonaa, waa dib u heshiisiinta shacabka Somaliland ee Muuse kala irdhiiyey, mideyntooda, sinaantooda iyo u cadaalad falidooda.

4.M. C. Cirro, ma noqon doono dab la roor degel kasta guba sidii Muuse Biixi.

Buudhiga madhan ee Muuse Biixi kireynayaa mishiin ma leh, taayiro ma leh, waa kii Boqor Buur madow sheegay, waxa fuushan oo iska buuxiyey Habarjeclo oo Maxamed Kaahin, Saleebaan Maxamed Aden iyo Cali Mareexaan u sheegeen in gaadhiga loo rakaabinayo difaaca dalka. Buudhiga waxa fuushan oo Habarjeclo ku weheliya mudane Faysal Cali Waraabe.

Inkastoo Gudoomiyaha Xusbiga Wadani, mudane Xirsi Cali X. Xasan iyo Gudoomiyaha Xusbiga Kaah, mudane Maxamuud Xaashi ay ka shaqeynayaan sidii ay Habarjeclo uga soo dejin lahaayeen buudhigaas madhan, oyna ku guuleysteen inay ka soo dejiyaan qeybo badan oo ka mid ah beesha, hadana wax jira qeybo kale oo wali fuushan.

Buudhigaas madhan, waxa iska diidey inay fuulaan beesha Garxajis ka sakow, Awal ayaanle oo Muuse ka dhashay iyo Arab weyne.

Muuse oo xukunka iska jooga ama doorashada ku guuleystaa, waxay ka dhigantey kala dhaqaaqa beesha dhexe, oo la mid ah burburka Somaliland. Waxay kaloo ka dhigantey maamulka SSC oo saldhigta.

Wadani iyo Cirro oo guuleystaa waxay ka dhigantey beesha dhexe oo midowdey = Somaliland oo is raacdey iyo SSC oo laydh cas ku shidmey, isla markaasna gashay laba daran mid dooro.

Reer SSC waxay ku duceystaan in Muuse xukunka iska joogo ama doorasho ku soo noqdo, waayo, Muuse iyo Habarjecloba horey u soo tijaabiyeen oo uga soo adkaadeen..

Muuse, wuxuu hadda ka shaqeynayaa inuu dagaal sokeeye ka abuuro gobolada bariga, si doorasho meesha uga baxdo, ama ugu yaraan uu Sanaag ka saaro Hartiga deggan oo dhamaantood diyaar u ah inay u codeeyaan Xusbiga Wadani.

Doorashada November waxay Somaliland uga dhigantey, geeri ama nolol.

Naaleeye

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...