"Soomaaliya Wax Wada Hadal ah oo inoo Furmayaa Ma Jiro ilaa

Wednesday August 28, 2024 - 07:54:10
Hadhwanaag
Sidoo kale waxa uu xukuumadda Somaliland ugu baaqay ...



Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa si rasmiya u sheegay in la joojiyo wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, inta ay fulinayaan qodobadii hore loogu heshiiyay.

 

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in goleyaasha ay xukuumaddu kaga habboon tahay ka hadalkeeda arrimaha soo kordha.

 

uddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Soomaaliya wax wada hadal ah oo inoo furmayaa ma jiro ilaa go’aamadii hore loo qaatay la fuliyo, dhankooda ayay ka fuliwaayeene wax wada hadal ah oo inoo furmaya ma jiro, mar haddii aan kuwii horeba la fulin”

 

Sidoo kale waxa uu xukuumadda Somaliland ugu baaqay in aanay ka aamusin ee ay warcad ka soo saarto dagaalka Soomaaliya ay ku soo qaaday ee la xidhiidha heshiiskii Isfahan ee Somaliland iyo Itoobiya.

 

Waxaanu yidhi."Waa in xukuumaddu jawaab cad ka bixiso arrinta ka soo korodhay heshiiskii Isfahan ee Somaliland iyo Itoobiya, golayaasha xukuumadda ayaa kaga habboon, dowladdu yaanay aamusin ee jawaab haka bixiso,”

 

Geesta kale waxa uu faray mudaneyaasha in wakhtiga ololaha ka hor ay u baxaan wacyigelinta arrimaha doorashooyinka degaanadii ay ka yimaadeen.

 

Waxaanu yidhi."Bulshada waa in aynu u tagno oo wax u sheegno, kuna wacyigelino arrimaha doorashada, ka shir guddoon ahaan waxa aanu isla garanay in aanan maanta bixin ee xilliga ololaha aynu baxno”

 

Dhanka kale waxa sheegay in loo baahan yahay in wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed uu hor yimaado golaha si wax looga weydiiyo hirgelinta heshiisyadii laga gaadhay colaadaha gobolka Sanaag.

 

Waxaanu yidhi."Nabadgelyadu waxay u dabran tahay go’aanadii arrimihii hore u dhacay laga qaatay, ayaan waxba laga fulin, haddii ay fuli wayaan waxay ila tahay in aanay dhammeystirmeyn nabadgelyadu, waxaaney u badan tahay bari ama Ceeryaan, shidan iyo Ceel Afweyn.

 

Dowladda iyo cidkasta oo ay arrintani khuseyso ayaynu leenahay fuliya, wasiirka arrimaha guduhu waa in uu dhammeeya, isla markaana hor yimaada golaha”

 

Waxaanu sidan ka sheegay fadhigii saaka ee golaha guurtida Somaliland oo uu shir guddoominayay mudane Saleebaan Maxamuud Aadan.

     
Loading...