Ururka Saxafiyiinta JSL ee SOLJA oo Sheegay inaanay Warbaahintu Dhex Ka Noqon Doonin Qadiyadda Somaliland

Wednesday August 28, 2024 - 07:51:52
hadhwanaag
SOLJA waxa ay sheegtay in warbaahintu anay dhex ka noqon doonin...



Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa saxafiyiinta ugu baaqay in ay wararka iska hubsadaan isla markaana ay ka foojignaadan wararka waxyeelaynaya Somaliland.


 

War kasoo baxay ururka ayaa lagu amaanay doorka ay saxafiyiintu kaga jiraan ilaalinta qadiyada Somaliland, waxa uu ururku saxafiiyinta ugu baaqay in ay raadiyaan wararka kor u qaadaya isku duubnida bulshada Somaliland.

 

SOLJA waxa ay sheegtay in warbaahintu anay dhex ka noqon doonin qadiyada Jamhuuriyadda Somalilnad.

 

"Waxa aanu xusaynaa in warbaahinta Somaliland anay dhex ka ahayn marka ay taagantahay qaranimada Somaliland” ayaa lagu yidhi qoraalka SOLJA.

 

Ururku waxa uu inta sii raaciyay in warbaahintu ay Somaliland kala soo dabaasheen wakhtiyo adag isla markaana, ay hada diyaar u yihiin in ay door kooda ka qaataan badbaadada Somaliland, ka shaqaynta doorashooyinka iyo tabinta warar toolmoon oo dhinacyada siyaasada laga tabiyo.

 

Gaba-gabadii SOLJA waxay ugu baaqday xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland, in ay joojiyaan eedaha bulshada kala fogaynaya oo ay u midoobaan difaaca Somaliland.

     
Loading...