Guddoomiye Xirsi iyo wafti uu hogaaminaayo oo ay qayb ka yihiin xildhibaano ayaa socdaal ugu baxay gobolada Bariga.

Sunday August 25, 2024 - 17:25:34
hadhwanaagnews
Weftiga Xisbiga WADDANI ee uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga ...
No description available.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Xaaji Cali Xasan iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo ay qayb ka yihiin Xildhibaanno iyo masuuliyiinta xisbiga WADDANI ayaa safar shaqo ugu baxay galabta gobollada Bariga SL.

Weftiga Xisbiga WADDANI ee uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Xaaji Cali Xasan ayaa socdaalkoodu uu ku jihaysan-yahay Gobollada Togdheer, Saraar iyo Sanaag,kaas oo darran dar-dar-gelinta hawlaha shaqo ee Xisbiga.

Weftigan ayaa Magaallooyinka Burco, Caynaba iyo Ceerigaabo kaga qayb-galayo xaflad ballaadhan oo uu Xisbigu ku soo dhaweynayo kuna qaabilayo masuuliyiin miisaan culus iyo tagaareeyaal ku soo biiraya Xisbiga rejada shacabka ee WADDANI
     
Loading...