Doorashada Waxaa loo Qabanaynaa si Bulshada Somaliland u Walaalowdo" Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Thursday August 22, 2024 - 10:46:20
hadhwanaagnews
Waxaanu yidhi. "Doorashada waxa aanu u qabanaynaa...


May be an image of one or more people and crowd

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in bulshada reer Ceerigaabo nabadooda ay ku faro-adaygeen si aan sisheeye uga qasin waxaanu hoosta ka xariiqay in reer Ceerigaabo bulshada dheer yihiin Madaxda dhaqanka , Maamulka iyo kala danbaynta.


 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Waxa uu sheegay in soo dhawaynta ay reer ceerigaabo u sameeyeen uga duwanayd kuwii loogu sameeyey degaanada kale ee weftigiisu socdaalka kusoo mareen ee gobolada dalka, waxaanu intaas ku daray in ujeedada ay doorashada u qabanayaan ay tahay sidii bulshada loo walaalaynlaha, isla markaana horumar, nabad iyo nolol loo gaadhi lahaa.


 

Waxaanu yidhi. "Doorashada waxa aanu u qabanaynaa si bulshadu u walaalowdo, shantii sanno ee la is doortaba horumar si loo sameeyo ayaanu doorashada u wadna doorashaduna nabad iyo nolol ayay inoogu dhici doonta, meel ay Soomaali joogtaba colaad ayaa ka socota, cid walba magacow, marka Ceerigaabo malaha odayaashii ayaa ku hadhsan oo idinla taliya habeenkiiye nabada iyo awooda aad ku maamusheen ugudbiya dadka oo dhan, Soodhaweyntii maantu mid cajiib ah ayay ahayd, magaalo dhan oo soo baxday oo jidkii qaadi waayay oo aad yaabayso oo aan ciddiba ka hadhin aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin.”


 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xusay in waxa bulsho meel degani ay ku kala horumarta ay tahay in ay yihiin aqoonyahanka iyo dadka marka jooga ee ILLAAHEY ku beeray sida ay ugu taliyaan una ilaaliyaan nabadgelyadooda iyo isku hayntooda. "Magaalada Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag wanaaga aad nagu qaabisheen iyo nabada aad ku fara adeygteen iyo soo dhaweynta weyn, aad iyo aad ayaan shacab iyo madaxba idiinku mahadnaqayna, bulsho meel degani waxa ay ku kala horumarta, caafimaad ku hesha, nabad ku hesha, tacliin ku hesha, waa talada da’da joogta odayaashiisa intiisa talada haysa ama aqoonyahanka ILLAAHEY ku beego ayaa dadka ka saara dhibaatooyinka una horseeda nolol wanaagsan.” ayuu yidhi.


 

Madaxweynugu waxa uu reer Ceerigaabo xasuusiyey in ay nasiib u heleen odayaal iyo madax dhaqameed Illaahay nabada waafajiyey, waxanu ugu baaqay in ay ku faro adaygaan si aanay shisheeyuhu uga qasin , dadaalkeeda waxa uu uga mahadceliyey Madaxda dhaqanka ee magaalada oo nabad aad uga shaqeeyey.


 

"Bulshada reer Ceerigaabo waxay nasiib u heleen inay heleen odayaal iyo madax dhaqameed, siyaasadeed, ganacsato, ILLAAHEY waafajiyay inay nabad kuwada noolaadaan, dadkoodana dhibaatooyinka midnimo kaga saaraan, kadibna barwaaqada ILLAAHEY siiyay si aan shisheeye uga qasin nabadooda ku ku Faro-adaygeen gaar ahaan, madax dhaqameedka Ceerigaabo aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayana.” ayuu yidhi.

 

 

     
Loading...