Waa Duni Akhyaartii Lahayd Iib Ku Doontagay-

Wednesday August 14, 2024 - 08:28:22
hadhwanaagnews
Arligaa La Kala Boobayaa Nin U Itaal Roone.



Arintan Ka Taagan Somaliland, Somalia Iyo Ethiopia Gabayaa Caana Oo Farah Nuur La Odhan Jiray Oo Reer Hargiasa Ahaa Ayaa Boqol Ku Dhowaad Sano Ka Hor Ka Gabyay Oo Yidgi:


 

Arligaa La Kala Boobayaa Nin U Itaal Roone.

 

Waa Duni Akhyaartii Lahayd Iibku Doontahay

 

Waa Duni Lakala Iibsadoon Nala Ogaysiine.


 

Muse Biixi Intuu Ummadda Horteedii Ku Iibsaday Baddii Iyo Dhulkii Ayaa Halkii Dhagax Lagu Dili Lahaa Ee Xukun Lagu Ridi Lahaa Dhulalka Somalida Oo Dhan. Hadday Somalia Tay, JABOUTI TAY IYO SOMALILAND AYUU Isguna Waxuu Ku Dhex Jiraa Iibsigii Kaadhadh Doorashooyin Ka,Dadka Ishooduu Ka ARKAY. Ethiopia Saxeexii Muse Ayey Somalia La Hor Tagtay Waa U Guul Waayo Dalkii Somalia Oo Nin Siiyey Bay Ku Dacwiyeysaa.


 

 

Hubaal Somali Iyo ETHIOPIA Dagaal Wey Is Hurranyihiin Laakiin Inta Muse Aanuu Ciidan Ethiopian Ah Dhexda U Gelin Oonuu Gabbood Ka DHIGAN Waa In Maanta Intuu Somali Dhex Joogo La Iska Qabtaa. Waxaan Maqli Jiray Shaydaanku Calaf Buu Leeyey, Calafkiisii Muse Wuu Qabaa Somali Intuu Layn Karayey Wuu Laayey, Xoolo Wuxuu Boobi Karayey Wuu Boobay.


Khudbadiissa Bal U Fiirsada Waxa Wadanka Ka Jiraba Kama Hadlayo Janno In Lagu Jiruu Ka SHEEKAYNAYAA.

Kuwa Kaadhadhka Iibsanaya Siidhi Ku Afuufa Subbi- Toor La Dhaca Gawaadhida Ka Jejebiya Koox Ay Ka Baqaan Oo Ciyaala Ha Loo Diro.


 

Dhalinyaradu Fursadaa U Soo Socda Iyo Shaqooyinka Ka Uu Isbedelku Soo Wado Ha Ka Difaacdaan Kuwa Jinka Dagaagay Ah Ee Kaadhadhka Iibka Ku Doonaya.


 

Waxaan Imika La Hadalayaa Ardayda Jaamaacadaha, Ee Iyagu Nilosha Wadankeena Somaliland Ku Jiro Dad Iyo Duunyo Iyo Fikirba. Dunidu Heerkan Iyo Sidan Jahliga Ee Aynu U Noolay Way Soo Wada Martay Oo Boqoro Iyo Xukaam Jaahiliina Ayaa Soo Maray Oo Qaar Ilaahay Sheegan Jireen Iskadaa Qabiile Oo Layn Juray Xoolahoodana Ka Qaadi Jiray Sida Somaliland Ka Taagan Maanta. Haddaad Dib U Milic Santaan Horuumarka Maanta Dunida Yaal Kamuu Bilawmin Mashiino, Dayaarado Wershado Wuxuu Ka Bilaway Dood Uu Bilaabay Inan Yar Oo Tacliinta Ku Wacnaa Oo Maskax Furan Oo Aristotle La Odhan Jiray Nebi Ciise Ka Hor 300 Boqol Oo Sano Oo Giriig Ahaa. Halkaa Imika Ay Somaliland Marayso Ayuu Waqtigaa Giriigu Marayey Dhankasta. Xukaam Sidaa Muse Biixi Oo Kale Ah Baa Been Ugu Sheekayn Jiray Ciidamo Ku Garaaci Jiray.


 

Aristotle Dood Buu Academy Gii Baluto Ka Bilaabay Dood Cilmi Baadhis Ayuu Kuliyadii Ka Bilaabay Oo Ah In La Doodo Oo Cilmi Baadhid Nolosha Dhan Kasta Lagu Bilaabo Oo Jaamacaduu Horkacayaan Dhinanac Kasta. Dawladnimada Ayaa Ka Mid Ahayd Wax Kasta Waa La Qorayey. Wuxuu Isagu Aasaasay Lyceum Dugsiga La Magac Baxay.


 

Sagaal Boqol Oo Sano Ka Hor Aristotle Arintiisii Dib Ugu Noqdeen Reer Galbeedkan Imika Dunidan Hogaamiyaa Oy Kutubtii Aristotle Dibu Bilaabeen ( Renaissance Period) Waxaa Ka Dhishay Markii Halkii Aristotle Dhigay Laga Sii Ambo Qaaday Waxaa Horuumar Maanta Dunida Ka Jira Oo Dhan. Markaa Ardayda Jaamacadaa Ee Somaliland Waa Inay Horta Taariikhdii Aristotle Soo Akhryaan Doodo Dhexdooda Ah Jaamacadaa Ka Dhex Bilaabaan Hubaal Markaa Sheeko Dhurwaaga Iyo Dawlad Xumida Ina Haysta Dhaqsaa Looga Baxayaa Oo Waa Lagu Baraarurayaa Jahliga I A Horkacaya Ee Sidii Boqoradii Hore Ee Fircoon Iyo U Shaqaysanaya.


 

 

Wacyi Gelin Khubado Ah Ha Sii Daayaan Cirro, Hirsi Iyo Maxamoud Xaashi Ha Ka Badbaadiyaan Shayaadiinta Somaliland.


 

Wa Billaahi Tawfiiq.

M BASHE.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...