Waddani Oo Ka Shifay Qorshe Xukuumada Muuse Ka Lahayd Shacab Ay Rasaas Ku Furtay.

Sunday June 23, 2024 - 18:27:21
Hadhwanaag
"Fawdo in ay dhacdo ayay rabeen, dadku in uu is dilo ayay rabeen"



Hargaysa (HWN) Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Khadar Xuseen ayaa sheegay inay xukuumada Muuse Biixi doonayso inay iska horkeento shacabka Somaliland si’ay uhesho mudo ay kursiga kusii fadhido.

 


Xoghayaha oo sigaar ah uga hadlaya mudaharaad ka dhacay Garoonka diyaaradaha Hargaysa, markii la xidhayay siyaasi Cismaan Cumar Dool oo ciidamadu rasaas nool ay fureen ayaa yidhi.

 

"Xukuumadii amniga mas’uulka ka ahayd ayay salaadiintii iyo maayiradii magaalooyinku kaga cabanayaan xabbad ayay hoos noogu dhigeen oo nolashayadii ayay halis galiyeen.


Maxay rabeen in ay dhacdo markay sidaa samaynayeen? Fawdo in ay dhacdo ayay rabeen, dadku in uu is dilo ayay rabeen, guushoodii iyo in ay kursiga kusii fadhiyaan dhiig ayay ka dhex arkeen, dhiigeena kursiga lagusii fadhiyi maayo inaga ayaa diidayna oo cagta u dhigayna.” ayuu yidhi Xoghaye Khadar Xuseen


 

Maayar Mooge iyo Suldaanka Guud ee Beelaha Isaaq Suldaan Daa’uud ayaa dhacdadaasi ku eedeeyay Boolisku inay hoos ugu dhigeen xabada shacabka.

 


Isaga oo suldaanka guudna ku tilmaamay falkaasi isku day dil oo lagula kacay.

     
Loading...