DEG DEG Somaliland oo war yaab leh soo saartay xilli DF iyo Itoobiya ay ku shirsan yihiin Ankara

Tuesday August 13, 2024 - 10:37:58
hadhwanaagnews
Wasiirka ayaa ku dooday in Soomaaliya ay keliya rabto...



Xukuumadda Somaliland ayaa meel adag iska taagtay wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya uga socda dalka Turkiga, kaas oo salka ku haya soo afjarida is-afgaradkii Addis Ababa ee Somaliland ay Itoobiya ugu saxiixday qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.


 

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cali Mareexaan ayaa sheegaay in Soomaaliya aanay marnaba heshiis kula gali karin Itoobiya dhul badeed aysan awood u laheyn, taas oo ula jeedo xeebaha Somaliland.


 

Sidoo kale waxa uu si cad u sheegay in heshiis ay dowladda federaalka Soomaaliya gasho aan laga fulin karin Somaliland, xilli uu magaalada Ankara ee dalka Turkiga uu Soomaaliya iyo Itoobiya uga socdo wada-hadal xal loogu raadinayo xiisadda badda.


 

"Waa la ogyahay in Jamhuuriyada Somaliland aanay ahayn Soomaaliya, hesiishyo faro badan ayey galaan qoladaa Xamar, weligeedna heshiis ay galeen kama fulin Somaliland,” ayuu yiri wasiir Cali Mareexaan oo la hadlay BBC.


 

Wasiirka ayaa ku dooday in Soomaaliya ay keliya rabto inay saxeexdo is-afgaradkii ay hore u wada-galeen Somaliland iyo Itoobiya, isaggoo yiri "arrintani waxay markhaati u tahay arrintii aanu in badan sheegnay ee ahayd in dowladda Muqdisho doonayso in ay iyadu saxeexdo.”


 

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka shanqadhisay in Itoobiya ay u ogolaan doonaan oo keliya heshiis ganacsi, kaas oo lamid ah kan ka dhexeeya Jabuuti iyo Itoobiya ee isticmaalka dekeddaha.


 

Is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya ee xiisada ka dhex abuuray labada dal ayaa dhigayay in Itoobiya ay baddeena ka hesho saldhig ciidan, taas badalkeedana ay Itoobiya aqoonsato Somaliland, taas oo xad-gudub ku ah qarannimada Soomaaliya.

     
Loading...