Heshiiska Badda Ee SLAND & Itoobiya Oo Dhamaad Maraya Iyo Cadaadiska Somaliya

Saturday June 22, 2024 - 16:32:30
Hadhwanaag
Waxa warku intaas ku daray in warbixinta guddida aad loo majeertay


Siday tabisay Wakaaladda Wararka ee SOLNA oo soo xigatay warbaahinta, Somaliland iyo Itoobiya ayaa ku rajo weyn inay ku dhawaaqaan hirgalinta iyo meelmarinta heshiiskii is fahan ee labada dal dhex maray bisha July ee fooda innagu soo haysa bilowgeeda sida ay Saraakiil Somaliland ka tirsani u sheegeen Warbaahinta.

Inkasta oo Somalia isku dayday inay ka soo horjeedsato heshiiska, ilo wareedyo laga helayo dhanka dawladda Somaliland ayaa qeexaya in heshiiskani uu horseedayo in Addis Ababa ay si buuxda u aqoonsato Somaliland.
Guddi farsamo oo madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi u saaray inay soo falanqeeyaan heshiiskan is-fahan isla markaana qiimayn ku sameeyaan aaraa’da bulshada soona gudbiyaan talo bixinta ugu dambaysa ayaa soo gabagabeeyay warbixintooda.

Waxa warku intaas ku daray in warbixinta guddida aad loo majeertay.
Xubnaha guddida farsamo ayaa booqday magaalooyinka Saylac, Berbera, iyo Lughaya, kuwaasoo ah meelaha loo badinayo ee ay suurtagalka tahay in Itoobiya ka samaysato saldhigga baddeed si ay marin ugu hesho badda cas.

Berbera oo ah dekedda ugu weyn Somaliland ayaa la qorshaynayaa inay maamusho 90% badeecadaha ay Itoobiya la soo degayso iyo kuwa ay dhoofinayso marka heshiiska is-fahan la dhammaystiro.
Sidoo kale, waxa la qorshaynayaa waddo ganacsi oo isku xidha Berbera iyo xadka Wajaale ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland.
     
Loading...