Raysal Wasaare Abiy Ahmed Oo Soo Bandhigay Sababaha Uu Ku Yimid Heshiiska Somaliland Iyo Itoobiya

Friday July 05, 2024 - 09:37:01
Raysal Wasaare Abiy Ahmed Oo Soo Bandhigay Sababaha Uu Ku Yimid Heshiiska Somaliland Iyo Itoobiya

Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo maanta ka qayb galay fadhiga 36-aad ee Baarlamaanka Itoobiya, ayaa ka hadlay heshiiska is faham ee ay la saxeexdeen 1dii bishii January ee sannadkan Somaliland.

Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waxaa uu caddeeyay in Soomaaliya hore u diiday inay heshiis baddooda ah kala hadlaan Itoobiya.

Abiy Ahmed wuxuu sheegay in helista qaddiyadda marin baddeedku uu muhiim u yahay Itoobiya oo uu tilmaamay inay korayso dhaqaale ahaan iyo ummad ahaanba.

"Heshiiska isfahan ee aanu la galnay Somaliland wuxuu yimid kadib markii xukuumadda Soomaaliya ay diiday inay kala hadasho Itoobiya dhinaca baddooda markii horeba,” ayuu yidhi Raysal wasaare Abiy Ahmed.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in hadafka Itoobiya yahay in labada dalba Somaliland iyo Itoobiya wada faa’iidaan. Waxaanu ku dooday in aanu dhinacna waxyeello iyo khasaare u yeellan doonin heshiiska is-fahan.

Geesta kalena, Wasiirul dowlaha Wershadaha dowladda Federaalka Itoobiya, Tarekegn Bululta, ayaa shaaciyay in xilligan ay bilaabantay fulinta heshiiska isfaham ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya.

May be an image of 2 people, dais and text

     
Loading...