Tawian &S/Land Oo Bilaabay Qorsha Diyaar-garoowga Shidaal Qodista

Thursday June 20, 2024 - 10:57:00
Hadhwanaag
Tababarka ayaa ah mid muddo badan la sugayay oo ay bixinay



Masuuliyiin ka socda wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland oo safar ku joogta dalka Taiwan ayaa ka qayb ah tababar dawaladda Taiwan ay ku tababarayso baadhista iyo soo-saarista Shidaalka, maadaaama ay dalka u qaabilsan yihiin soo saarirta Macdanta iyo Tamarta dihin ee dalka.


 

 

Weftigan ayaa ka kooban Agaasimaha Waaxda shidaalka Yuusuf Muuse, Agaasime ku xigeenka Waaxda iyo saddex injineer oo ka tirsan Waaxda Shidaalka ayaa si rasmi ah uga qayb-galay tababarkan oo bilaabmay dalka Taiwan.


 

 

Tababarka ayaa ah mid muddo badan la sugayay oo ay bixinaysay shirkadda shidaalka CPC ee laga leeyahay dalka Taiwan, tababarkaas oo socon doona muddo 10 cisho ah laguna baran doono mawaadiic kala duwan oo khuuseeya baadhista iyo soo saarista shidaalka, tababarkan ayaa ku yimid iskaashi labada wasaaradood ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL iyo Wasaaradda Ganacsiga Taiwan.


 

 

Waxaanu ka turjumaya iskaashiga sarreeyaa ee labada dal ka dhexeeya iyo sida labada dal ay isku weydaarsadaan aqoonta iyo waayo-aragnimada ka dhaxaysa, taas oo looga wada faa’iidaysanayo haddaba sidii la isaga kaashanayo.


 

 

Gebo’gabadii xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Taiwan ayaa ku dhisan iskaashi iyo in la iska taageero kaabayaasha dhaqaalaha iyo sidii la isku way daaransan arrimaha la xidhiidha waxbarashada, caafimaadka, Tiknoolajiyada iyo arrimaga la xidhiidha aqoonta guud.

     
Loading...