Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo Furay Shirweynaha 8-aad ee Tamarta'Shidaalka iyo Macdanta

Monday June 24, 2024 - 13:28:05
hadhwanaagtv
Madaxweye Ku Xigeenka Oo Ka Hadlayay Muhiimadda Ay Leedahay...



Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici,Ayaa Shalay Furay Shirweynaha 8-Aad Ee Tamarta’macdanta Iyo Shidaalka Oo Lagu Qabtay Hargeysa.

 

Shirkan Oo Ay Soo Qaban Qaabisay Wasaaradda Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Isla Markaana Ay Ka Qayb Galeen Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiiradda Madaxda Wasaaradda Soo Qaban Qaabisay Iyo Daneeyeyaasha Macdanta Iyo Tamarta Iyo Shidaalka Somaliland Ayuu Si Rasmi Ah U Furay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici

 

 

 

Madaxweye Ku Xigeenka Oo Ka Hadlayay Muhiimadda Ay Leedahay Ka Shaqaynta Danta Guud Iyo Qarannimadu Waxaa Uu Yidhi. "Haddii Ay Danta Guud Hagaagto Qof Walba Na Tiisa Gaarka Ahi Way U Hagaagaysaa, Haddii Aynu Tamar Jaban Helno Qof Walba Gurigiisa Ayay Ugu Tegaysaa Manta Warshadeheenii La Sameeyay Boqolkiiba Konton Way Fadhiyaan Waxaanay U Fadhiyaan Waa Tamar,Mar Kastana Waxaynu Ku Horumaaryanaa Sida Aynu Tamarta Uga Shaqaysiino Manta Kamabaynaan Baxneen Hadii Aaanay Jirin Tamartaa La Cusboonaysiiyay Shidaalkii Oo Intaan Ka Qaylinaynay Ka Badan Ayuu Sii Kacay,Cid Kasta Oo Dalka Maalgashanaysana Waan Soo Dhawaynaynaa.” Ayuu Yidhi Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici

 

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta Maxamed Cismaan Siciid Oo Ka Hadlay Ujeedada KulankaIyo Waxtarkiisa Ayaa Yidhi. "Kulankan Oo Ah Aagga Wadaageyaasha Tamarta Macdanta Iyo Shidaalka Oo Ah Waxyaahaba Ay Wasaaraddu U Aasaasan Taha,Ujeedada Ugu Wayn Ee Kulanku Waxa Weee In Daneeye Yaasha Aagga Tamarta,Macdanta Iyo Shidaalka Lagu Wadaago Wixii Xog Ah.” Waxaa Kale Oo Kuankaa Ka Hadlay Wasiirro,Daneeyeyaasha Tamarta Iyo Macdanta Iyo Masuuliyiin Kale Oo Dhammantood Iftiimiyay Sida Loogu Baahan Yahay Ka Midho Dhalinta Khayraadka Dalka

     
Loading...