Raxan Wasiiro Iyo Kaadiriin Kulmiye Ah Oo Qorshaynaya Inay Socdaal Ku Tagaan Gobol Ay Saareen Xayiraado Dhaqaale iyo Horumar

Thursday June 20, 2024 - 19:48:27
Raxan Wasiiro Iyo Kaadiriin Kulmiye Ah Oo Qorshaynaya Inay Socdaal Ku Tagaan Gobol Ay Saareen Xayiraado Dhaqaale iyo Horumar

Raxan wasiiro ah iyo kaadiriin Kulmiye ka tirsan oo is huwan ayaa qorsheeyey inay maalinta bari ah ku soo qadeeyaan magaalada Balli-gubadle ee xarunta gobolka Hawd.

Socdaalka xubnahan ayaa ku soo beegmay wakhti la joojiyey dhismihii waddada Balli-gubadle oo lagu darayey 4km oo meelo kala duwan looga soo yaboohay halka uu Muuse Biixi-na ku daray lacag kooban oo gaadhaysa $200,000(Laba boqol oo kun) oo u dhiganta 2km.

Shirkada Cumaaniga oo gacanta ku haysay dhismaha Waddada Balli-gubadle ayaa ka soo qaadatay qalabkeeda ka dib markii ay dhamaystirtay 2km halka labadii kalana loo sheegay inaan wax lacag ah loo hayn taas oo aan ilaa hada la garanayn cida qaadatay kharashkii loogu tala galay afartii kilomitir ee la qorsheeyey in lagu daro waddada.

Weftigan huwanta ah ee ka socda xukuumada iyo xisbiga Kulmiye ayaa lay xaqiijiyey inay bari socdaal ku tagi doonaan xarunta gobolka Hawd ee Balli-gubadle oo fara madhan ka joogta mashaariicdii horumarka ee xukuumadihii Kulmiye, mudadii uu talinayey Muuse Biixi ayaanu magaaladan ku soo rogay cunaqabaynta uu ka saaray dhinacyada dhaqaalaha iyo horumarka.

Huwanta u baxaysa gobolkii laga danaystay ee Hawd waxa ka mid ah wasiir Ciise Kayd, wasiir axmed Idiris, wasiir ku xigeen Liibaan Yuusuf, Cabdicasiis samaale, maayarka Balli-gubadle oo u shaqaynaya iyo xubno kale oo u badan guulwadeyaal u dhega nugul Muuse Biixi.

Ujeedada ugu weyn socdaalkani waa in la muujiyo indho sarcaad iyo buuq samaysasho lagu doonayo in cidla lagaga qaato codka yaala Balli-gubadle iyo deegaanada kale ee gobolka hawd.
No description available.

     
Loading...