Maamulka Puntland Oo Beesha Caalamka Hordhigtay Dalab Ka dhan Dawlada Federaalka Ah Ee Soomaaliya

Tuesday June 11, 2024 - 07:23:22
Maamulka Puntland Oo Beesha Caalamka Hordhigtay Dalab Ka dhan Dawlada Federaalka Ah Ee Soomaaliya

Puntland ayaa codsi degdeg ah u dirtay Saaxiibada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya, iyagoo u gudbisay codsi ku aaddan in si caddaalad ah loo qaybiyo taageerada bani'aadantinimo, midda Horumarinta iyo taageerada Miisaaniyadda Soomaaliya.

Puntland waxay walaac xooggan ka muujisay inay dowladda federaalka Soomaaliya siyaasadayn xooggan ku sameysay kaalmada deeq-bixiyayaasha caalamka, iyo in taageero miisaaniyadeed lasoo mariyo bangiyada Puntland.

"Waxaan u kuurgalnay isbeddelka murugsan ee xukuumadda Muqdisho, taasoo deeqaha u isticmaalaysa ajandayaal siyaasadaysan tan iyo markii la ii doortay mar labaad. Siyaasadeynta Mashaariicda, Barnaamijyada iyo Taageerada Miisaaniyadda Dawladda Puntland ayaa socday 18-kii bilood ee ugu dambeeyey. Dhawr jeer ayaanu arrintan u soo gudbinay bangiyada horumarinta iyo deeq-bixiyayaasha.” Sidaas ayaa lagu yiri qoraalka Puntland ay la wadaagtay beesha caalamka.

Puntland waxay sheegtay hadafka dhabta ah ee Muqdisho inuu yahay khalkhal gelinta Puntland, iyadoo sheegtay in siyaasadeyntu ay wiiqayso ujeeddada ugu muhiimsan ee kaalmada horumarineed ee Soomaaliya loogu talo galay.

"Anagoo ka duulayna xaaladdan adag, waxaanu ka codsanaynaa saaxiibadayada labada dhinac iyo kuwa badanba inay garwaaqsadaan culayska ay xaaladdani leedahay, isla markaana ay gacan ka gaystaan sidii ay Dawladda Puntland u heli lahayd kaalmada deeq-bixiyayaasha, isla markaana ay bixiyaan taageero miisaaniyadeed oo ka madax bannaan siyaasadda Muqdisho,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Puntland.

Puntland waxay caddaysay inay diyaar u tahay in cid kasta oo ay khusayso ay kala shaqeyso sidii xal loogu heli lahaa xaqiijinta iyo ilaalinta danaha qaranka ee ummadda Soomaaliyeed.




     
Loading...