Nuxurka Baaq Ku Saabsan Somaliland Oo Loo Jeediyey Beesha Caalamka

Wednesday June 26, 2024 - 08:54:41
Nuxurka Baaq Ku Saabsan Somaliland Oo Loo Jeediyey Beesha Caalamka

Hargeysa(HWN):-Ururka Somaliland Strategic Advisory Group(SL-SAG) oo u dhaq-dhaqaaqa qadiyadda madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ugu baaqay Shacabka Somaliland inay soo dhaweeyaan isla markaana u dabbaal-degaan dhammaystirka heshiiska is-afgarad ee Itoobiya, kaas oo ay xuseen inuu baal-dahab ah ka galayo taariikhda Somaliland.

SL-SAG oo fadhigiisu yahay dalka Mareykanka, ayaa war-saxaafadeed uu soo saareen farriin ugu diray Beesha Caalamka oo ay ugu baaqeen in la gaadhay xilligii ay garowshiinyahay ka bixin lahaayeen guulaha ay gaadhay iyo muhiimadda Somaliland u leedahay iskaashiga iyo ammaanka mandaqadda Geeska Afrika.

Ugu horeyn waxa uu Ururku shacabka Somaliland la wadaagay hambalyada 64-guurada ka soo wareegtay xuska maalinta Xornimada Somaliland ee 26-June.

War-saxaafadeedka oo dhammeystiran waxa uu u qornaa sidan:-

"Iyadoo lagu jiro Sannad-guurada 64-aad ee ka soo wareegtay wakhtigii ay xoriyadda qaadatay Somaliland, urur Somaliland Strategic Advisory Group (SL-SAG) wuxuu si sharaf ku dheehan tahay ugu dabaal-dagayaan guushan taariikhiga ah, Haddaanu nahay reer Somaliland ee ku nool Mareykanka, waxaanu ka midaysanahay qadiyaddayada annagoo garbaha is-haysana. Waxaanu dhambaal hambalyo ah u diraynaa shacabka Somaliland.

26-ka June waxay ku astaysan tahay taariikh muhiimad weyn inoogu fadhida, inagoo xusayna xorriyaddii aynu ka qaadannay gumaystihii Ingiriiska 1960-kii. Maalintani waxay astaan ​​u tahay adkaysiga, hal-adaygga iyo guulaha ay gaadheen shacabka Somaliland. Anagoo ixtiraamayna wixii ina soo maray, waxa sidoo muujinaynaa sida ay nooga go’an tahay inaanu ka midho-dhalinno Somaliland oo beesha caalamku u aqoonsato waddan madax-banaan.

SL-SAG waxa uu beesha Caalamka ugu baaqayaa inay garwaaqsadaan horumarka aan la dafiri karin ee Somaliland ka samaysay dawladnimada dimuqraadiga ah, degenaanshaha dhaqaalaha iyo xuquuqal insaanka. Waxa la gaadhay Waqtigii Aqoonsiga. Somaliland waxay soo bandhigtay awoodda ay u leedahay inay iskood isku maamulaan, waxaynu dhidibbada u taagtay dowladnimo xasiloon, dimuqraadi ah oo horumar gaadhay. Aqoonsiga madax-banaanida Somaliland maaha kaliya in la ixtiraamo guulaha ay gaadhay laakiin wuxuu gacan weyn ka geysanayaa xasilloonida iyo iskaashiga Gobolka.”

"Innagoo dib u milicsannayna sooyaalka taariikheed ee qarankeena, waxa kale oo aynu rajaynaynaa dhamaystirka heshiiska is-afgarad ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo inoo ballan qaadaya in aynu sii xoojinno horumarka iyo iskaashiga innaga dhexeeya.


"Waxaanu dhiirrigelinaynaa dhamaystirka heshiiska is-afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland. Heshiiskan waxa laga filayaa inuu:


  • Kor-u-qaadista Xidhiidhka Diblomaasiyadeed: Wuxuu Xoojinayaa xidhiidhka Itoobiya, waxaanu qayb laxaad leh ka qaadanayaa kobcinta iskaashi diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo sal-ballaadhan.

  • Kor-u-qaadista Kobaca Dhaqaalaha: Wuxuu Abuurayaa fursado cusub oo ganacsi iyo maalgashi oo ay ka faa’iidaystaan labada shacab.

  • Horumarinta Amniga: Wuxuu Dhiirigelinayaa iskaashiga amniga iyo difaaca, ka qayb qaadashada nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.”

"SL-SAG waxa ay mar kale cadaynayaan in fikradda "Somalia oo mid ah” aanay ka turjumayn xaqiiqada dhabta ah ee jirta. Dhaqanka iyo taariikhda gaarka u leedahay Somaliland, xasiloonida siyaasadeed, iyo guulaha dimuqraadiyadeed ee Somaliland wuu ka duwan yahay. Beesha Caalamku waa inay garwaaqsato in Somalia oo midaysani aanay suurto gal ahayn, Qaranimada Somaliland-na ay tahay mid sharci ah oo ay lama huraan tahay in garowshiyaheeda la siiyo.”

beesha caalamka oo ku baaqday in-deg deg loo qabto doorashooyinka somaliland

     
Loading...