Shan cunto oo ku caawineysa haddii aad mar walbo daal dareento.

Friday June 07, 2024 - 09:54:27
hadhwanaagtv
"Xitaa way adkaan kartaa inaan howlaheenna diiradda saarno



Dareenka joogtada ah ee daalka iyo tabar yarida, amaba xitaa inuu qofku dareemo suuxdin, ayaa culeys weyn keeni kara marka uu soo laalaabto.


 

Tan ayaa run noqon karta marka aynaan heyn tabar, dhiirrigelinta aasaasiga ah, ee aan ku sameyno waxa aan jecel nahay, sababtoo ah daalka ayaa naga tan badinaya.


 

"Xitaa way adkaan kartaa inaan howlaheenna diiradda saarno, muddo kadib, dulqaadka ayaa naga dhammaanaya diiqadda ayaana nagu sii kordheysa,” ayay tiri Samantha Heller, oo nafaqada ku takahsustay kana tirsan Jaamacadda New York University.


 

Iyadoo ay run tahay in hiddo-sidaha, nasashada, caafimaadka maskaxda iyo jimicsigu ay door muhiim ah ka qaataan heerka tamarteenna, haddana cunnada ayaa sidoo kale muhiim ah.


 

Intii aad hal mar qorshe weyn dejisan lahayd oo ku aaddan wax ka beddelka caadooyinka wax cuniddaada, waxaa laga yaabaa inay ka waxtar badan tahay inaad wax yar ku billowdo.


 

"Inaad cunnadaada ku sameyso isbeddello yar ayaa ku siin karta dareen guul kaasoo ku dhiirrigelin kara,” BBC Mundo u sheegtay Dolores Woods, oo cunnooyinka ku takhasustay kana tirsan Jaamacadda Texas Health Science Center.


 

Arrin aad muhiim u ah ayaa ku jirta su'aasha tamarta: sokorta.

 

Sokortu waa nooc dabinka ka mid ah. Marka hore tamar ayay ku siineysaa, balse haddana way kaa qaadeysaa.

 

"Cunto walba oo sokor badan leh waxay hoos u dhigeysaa tamartaada,” ayay intaa raacisay.


 

Halkan waxaan idinkugu soo gudbineynaa shan isbeddel oo kaa caawin kara inaad tamar badan hesho.

 

Daalka mararka qaar waxaa lagu tilmaamaa inuu ka dhasho biyo yaraan jirka ah.


 

Dad badan ayaa caba qaxwo, cabitaannada tamarta amaba soda sokor badan leh marka ay dareemaan daal, balse dhibaatadu waa inay kugu keenaan saameyn taban.


 

"Xoogaa ayay tamar ina geliyaan, kadibna tamartu way dhacdaa,” ayay tiri Woods. "Waa dareen caafimaad oo aan muddo sii jireynin.”


 

Isla sidan ayaa laga arkaa qaxwaha. Marka kafeynta jirka ay gasho, tamarta ayaa hoos u dhacda.

 

Way fududdahay in calaamadaha gaajada loo maleeyo kuwa oonka (waxaan u maleynaa inaan cunno u baahannahay annagoo xaqiiqdii u baahan biyo).


 

2. Haka tegin cunnooyinka

Inaad ka booddo cunnooyinka sida qadada ama quraacda xilligeeda ayaa sababta hoos u dhaca sokorta dhiigga taasoo keenta daal.


 

Micno malaha haddii aad maalintii saddex jeer wax cunto amaba aad shan jeer in yar cunto (waxay ku xiran tahay dhaqankaaga), sheyga muhiimka ah waa inaadan saacado badan gaajeysnaan inta u dhaxeysa tusaale ahaan quraacda iyo qadada.


 

"Ma dooneyno in heerka sokorta dhiiggeenna ay sare aad gu kacdo amaba hoos u dhacdo, waa inay isku dheellitirnaadaan si aan tamar u dareenno,” ayay tiri Woods.


 

Daraasadaha ayaa muujinaya sida ay dadku inta badan uga boodaan quraacda ayna maalintii oo dhan u cunaan cunno kalori badan leh si ka badan kuwa subixii wax cuna.


 

Inaad wax cunto wax yar kadib marka aad hurdada kasoo kacdo ayaa jirka siineysa tamar, taasoo maalintii oo dhan kuu hagaajineysa.


 

Sida laga soo xigtay maqaal lagu daabacay joornaalka Nutritional Health, inaad maalintii ka booddo quraacda ama qadada ayaa sababta dareen xooggan oo daal ah.


 

3. Borotiin ku darso quraacdaada

 

Borotiinku wuxuu ku dareensiiyaa inaad dheregsan tahay.

 

Khudradda ayaa aad muhiim u ah, sida ay sheegtay Woods, balse waa inaad maanka ku heysaa in kalorigoodu yar yahay, si aad tamartaada u kordhisana, waa inaad raacisaa xoogaa borotiin ah.

 

Borotiin noocee ah? HIlibka waa isha borotiinka, balse ma aha kan keliya ee laga helo.

 

Digirta iyo manaafacaadka xoolaha ayaa sidoo kale borotiin laga helaa.

 

Digirta, tusaale ahaan, waxaa ka buuxa maaddada feybar waxayna na siiyaan sokorta dhiigga ee tamarta jirkeenna kordhisa.


 

4. Cun wax yar oo tamar ku siinaya

 

Khubarrada ayaa ku talinaya cunidda looska, iniinta amaba furutada qallalan, oo loo maleynayo inay yihiin waxyaabo yaryar oo tamar xooggan leh sababtuna waa tamarta ay jirkeenna siiyaan.

 

Looska, ayaa tusaale ahaan, waxaa ku jira dufan wadnaha u fiican, iyo sidoo kale faybar, fitamiinno, bir amaba waxyaabo kale oo muhiim ah oo la dagaallama daalka.

 

Furutada amaba looska ayaa la cuni karaa sababtoo ah waxay ina siiyaan sokor, faybar iyo fitamiinno.

 

Looska noocyadiisa kala duwan ayayna khubarradu ku talinayaan.


 

5. Cun badarka diirka leh

 

Ugu dambeyn, waa muhiim inaad cunto badarka aan diirka laga qaadin.

 

Tan waxay noqon kartaa roodhiga, baastada, badarka amaba bariiska madow ee laga sameeyay badarka aan diirka laga qaadin, sida ay sheegtay Woods.


 

Dukaamada waaweyn ayaa aalaaba iibita waxyaabo laga sameeyay badarka, balse waxyaabo kale ayay ku daraan.


 

Si loo hubiyo inay yihiin badar keli ah, waa inay ugu yaraan ku jiraan saddex garaam oo faybar ah shantii garamba.


 

Haddii aad subixii cunto badar aan diirka laga qaadin, waxay ku siinayaan tamar fiican.

Isha Bbc/somali

 

     
Loading...