Golaha Guurtida S/Land Oo Lagu Amray Soo Xaadirka Axada Oo MD Biixi Jeedinayo Khudbadii Sanadka

Thursday June 06, 2024 - 15:22:29
hadhwanaag
Qoraalkan ka soo baxay aqalka golaha guurtida Somaliland
May be an image of text

May be an image of 2 people and text

Madaxwaynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maalinta Axada ee todobaadkan qudbad sannadeedkiisa u jeedin doona labada gole qaran ee guurtida iyo Wakiilada

Warka ka soo baxay xarunta golaha guurtida Somaliland, ayaa lagu wargeilyay mudaneyaasha in madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi uu qudbad sannadeedkii ka hor jeedin doono golayaasha qaranka.

Qoraalkan oo sii socda waxaa mudanayaasha lagu adkeeyeen in maalinta Axada ay sagaalka subaxnimo ay ka soo xadiran xarunta golaha baarlamaanka.

Qoraalkan ka soo baxay aqalka golaha guurtida Somaliland ayaa u dhignaa sidan.
Waxaa dhamaan Mudanayaasha Golaha Guurtidda lagu wargelinayaa in qodbad sannadeedkii madaxweynaha la qa bandoono maalinta Axada ee ay Taariikhdu tahay 09/06/2024 sidaa darteed waa in mudanayaasha Golaha Guurtiddu wakhtiga dhawraan.

Sidoo kale waxaa mudanayaasha lagu war galinayaa inuu Goluhu fasax yahay maalinta sabtida
     
Loading...