"labadii qof ee dhaawaca ahaana gaadhsiiyay Cisbitaalka"
Hargaysa (HWN) Ciidamada Dabdemiska Hargeysa gaar ahaan Ciidanka Dabdemiska degmada Maxamuud Haybe ayaa shalay u gurmaday dab qabsaday laba qof, dabkaas oo ay sababtay Haanta Cuntada lagu karsado ee Gaasta.
Ciidanka Dabdemiska ayaa dabkii damiyay, labadii qof ee dhaawaca ahaana gaadhsiiyay Cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa.
Ciidanka ayaa dadkii kale ee goobtaa joogay ku wacyigeliyay habka loo damiyo gaasta hadii dab ka kaco iyo sida looga hortagaba.
Soo wac 990 lambarka gurmadka degdega ah ee ciidanka dabdemiska shirkadaha Telesom/Somtel 24 ka saacadoodba.
Allaa Mahad leh