Ujeedada Kulan Gud. Xirsi La Qaatay Dhalinyarada Gobolka Sanaag

Saturday April 27, 2024 - 15:48:04
Hadhwanaag
"maadaama ay beenoobeen ballanqaadyadii ay xukuumaddu hore ugu samaysay "


Hargaysa (HWN) Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali X Xasan ayaa xalay hoygiisa ku qaabilay dhallinyaro iyo aqoonyahan ka soo jeeda deegaannada Ceel-Afweyn, Huluul iyo Laasdoomaarre ee Gobolka Sanaag.
 
Dhallinyaradan ayaa guddoomiyaha u cadeeyey inay cududooda taageere ku biirinayaan xisbiga WADDANI si ay dalka uga badbaadiyaan talo xumo mar labaad ku habsata.

Dhallinyaradan oo todobaadkii la soo dhaafay shirar isdabajoog ah ku qabsaday Hargeysa ayaa ugu dambayn ku qancay inay baahiyaha deegaankooda u bandhigaan xisbiga WADDANI, maadaama ay beenoobeen ballanqaadyadii ay xukuumaddu hore ugu samaysay dadka deegaankaas. Waxaanay guddoomiye Xirsi uga warbixiyeen baahiyaha caafimaad, waxbarasho iyo wadooyin ee deegaannadaas ka jirta.

Guddoomiye Xirsi ayaa dhankiisa soo dhaweyn qalbi furnaan ah u muujiyey dhallinyaradan, waxaana uu u ballanqaaday in xisbigu si buuxda wax uga qaban doono baahiyaha deegaanka horena uu uga qabtay isagoo mucaarid ah.


Guddoomiyuhuhu waxa uu dhallinyarada ku dhiirrigaliyey inay isbedelka qayb ka noqdaan ee aanay marti ka noqon, waxaana loo ballamay kulamo dambe oo wadashaqaynta sii xoojiya.
     
Loading...