Wariye Lagu Xukumay Labo Sano Oo Xabsi Ah Gobolka DDS

Tuesday May 07, 2024 - 08:45:49
Hadhwanaag
"CPJ waxay sheegeen in Muxyidiin ay xireen ciidamo ammaanka "
Maxkamadda Fafan ee gobolka Soomaalida Itoobiya ayaa labo sano ku xukuntay Wariye Muxyidiin Maxamed. Go’aanka maxkamadda ayaa dhacay toddobaadkii hore.


Madaxa ururka suxufiyiinta, Cabdirisaaq Xasan, ayaa BBC u sheegay in ay racfaan ka qaateen xukunka iyagoo go’aanka maxkamadda sare sugaya.


Ururka suxufiyiinta ee CPJ ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Itoobya in aysan diidin racfaanka wariye Muxyidiin Maxamed Cabdullahi.


CPJ waxay sheegeen in Muxyidiin ay xireen ciidamo ammaanka oo aan la aqoonsan oo ku sugan magaalada Jigjiga.


Lix maalmood ayuu halkaas ku xirnaa ka hor inta aan loo gudbin saladhigga booliska. Ma jirin xiligaas cid la xiriiri kartay


"Inkastoo 40,000 birr oo damiin lagu soo daayay hadana go’aanka maxkamadda lama ixtiraamin” ayuu BBC-da u sheegay Cabdirisaaq.


"Xukunka labada sano ee Muxyidiin oo xabsi ku jiray saddexdii bilood ee la soo dhaafay waxay muujineysaa caburinta lagu hayo warbaahinta Itoobniya” ayey tiri Moutoki Muma oo ah xiriiriyaha barnaamijka Afrika ee CPJ.


Safaaradaha Marekanka iyo kuwa Midowga Yurub qoraal ay wadajir u soo saareen ayey ku sheegeen muhiimadda ay leedahay xorriyadda saxaafadda iyo in la ilaaliyo wariyayaasha ku howlan tabinta wararka runta ah


BBC
     
Loading...