Ujeedada Kulan Dhexmaray Siciid Deni Iyo Safiirka Ingriiska Uqaabilsan Somaliya.

Saturday May 04, 2024 - 13:50:56
Hadhwanaag
War-saxaafadeed.

Garoowe : 04, May 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi,  ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire, Michael Nithavrianakis iyo Wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen  xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan geedi socodka Dowlad dhiska Soomaaliya, iyo arrimaha Puntland, sida  Dimuqraadiyadda Puntland,  dardargelin mashaariicda horumarineed ee UK ka fuliso Puntland iyo xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta labada dhinac.


-DHAMMAAD-
     
Loading...