Qoraalkan yaabka leh ee aan ka akhriyey buugga sawirkiisu hoos idiinka muuqdo bal ila yare dhugta. Waa buug

Sunday April 14, 2024 - 10:13:04
hadhwanaagnews
Torogloditadu (Soomaalidu), waxa ay degaan ilaa xadka Xabashida...



Qoraalkan yaabka leh ee aan ka akhriyey buugga sawirkiisu hoos idiinka muuqdo bal ila yare dhugta. Waa buug muhiim ah oo taariikh cilmiyaysan oo Soomaalida ku saabsan soo bandhigaya, waana muhiim in la akhriyo, iyo in Soomaali loo turjumo.


"Muddo haatan laga joogo (4450) sannadood ayaa cilmibaadhayaal (Greece) ahi yimaaddeen geeska Afrika ama dhulka Soomaaliya – laga bilaabo Saylac, Tojorra, ilaa iyo Caluula. Waxa ay sheegeen in dhulkaas ay degganyihiin qabaa’il la yidhaahdo (Toroglodita). Waa qabaa’il ilaa xadka Ethiopia deggan. Kuwooda xeebaha deggani, waxa ay xidhiidh ganacsi la wadaagaan Greace, Hindiya, Shiinaha, iyo Faraacinta Masar.”


Astaamaha qoraagani xilligaas ku sheegay qabaa’ilka Toroglodita marka aad u fiirsato, waxa kuu caddaanaysa in ay Soomaalidu ahaayeen dad weligood dhulkan degganaa. Sheekooyinka riqiiska ah ee ah: Carab iyo Quraysh baannu galnaana ay tahay maangaabnimo iyo jaahilnimo aad u qaangaadhay. Waxa kale oo jirta in magacyada (Daarood, Isaaq, Hawiye, Digil & Midhifle), dhammaantood loo badinayo asaadiir aan waxba ka jirin. Waxa macquul ah in qabiil kasta iskiis uga mid ahaa qoomiyaddaas weyn ee (Toroglodita). Tusaale ahaan, Dhulbahante waa qabiil kamid ah qawmiyadda (Toroglodita), sidaa si la mid ah Habaryoonis iyo Habargidir-na waa qabiillo kamid ah qoomiyadda Soomaaliyeed ee (Toroglodita).


Bal u fiirso astaamahan uu ninkaas Greace-ga ahi (2426) dhalashadii Nebi Ciise Kahor dhulkaas ka qoray:


1- Torogloditadu (Soomaalidu), waxa ay degaan ilaa xadka Xabashida, iyo guud ahaan xeebta dheer. Kuwa xeebaha deggani waxa ay leeyihiin ganacsi, waxa ayna dhoofiyaan sarabka, fooxa, murraha, baalasha gorayada, dhagxaanta qaaliga ah (precious stones), foolka maroodiga, daayeerka, hargaha, xaydha, subagga iyo maydiga.


2- Qabiil kastaa waxa uu leeyahay xoolo (geel, lo’, adhi), waxana xukuma oday (sheekh).


3- Toroglodita-du ma lahan ilbaxnimada Greace-ga oo kale, waxa ayna ku dagaallamaan waxyaabo micno darro ah, sida: dhul-daaqsimeedka xoolaha, waxa a

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...