The china wave rise of civilization state

Sunday March 24, 2024 - 10:30:40
hadhawanaag
buugaan waxaa qoray Zhang Weiwei.


Zhang Weiwei waaqoraa jayniis ah, barofisar dhiga jaamacadda Fudan university iyo chunqiue institute of china, sidoo kale waxa turjumaa luuqada Ingiriiska u ahaa Madaxweynihii hore ee china. Buuga markiisii hore waxaa lagu qoray luuqada jayniiska waxaana luuqada Ingiriiska u turjumay isla qoraaga buugga.


Buugga qoraagga waxa uu kusoo koobay lix jabtar. jabtar walbana waxa hoos yimaado dhowr ciwaan, waxa aan isku dayi doonaa in aan soo koobo nuxurka buugaan ku jira aniga uu soo qaadan doona ciwaan walbe inta ugu muhiimsan hadii Alle idmo.


Chapterka ugu horeeya qoraaga waxa uu ka dhigay not misreading ones self waxaana hoosyimaada ilaa shan ciwaan. Ciwaanka koobaad waa a fasting changing world. Ciwaankaan qoraaga waxa uu kusoo bandhigayaa kororka dhaqaale ee dagdaga ah uu sameeyay wadanka china waxa uuna ku doodayaa in GDP wadanka china uu 18 jeer labolaabmay ilaa 1979, waxa uu sidoo kale sheegayaa in wadanka china uu noqday wadanka labaad ee ugu dhaqaalaha badan aduunka 1992dii.


Miidhiyaha galbeedku waxa eey sheegeen in banking sysetemka wadanka china uu dumi doono, deeymo fara badana lagu yeelan doono lakiin taas cagsigeeda toban sano kadib shanta bank ee aduunka ugu waawayn in sadex kamid ah jayniis ayeey noqdeen. Sidoo kale aqoonyanada galbeedku waxa eey sheegeen in burburkii dhaqaale ee dhacay 2008kii in jahawareer badan uu ka abuuri doono wadanka jayna lakiin taas cagsigeeda Jayna waxa uu noqday wadankii ugu horeeyay ee kasoo kabsada dhaqaalihiisana noqdo mid sare u kac sameeya.


Thomas L. Friedmanwaa nin ameerican ah oo ka qaybgalay2008 Summer Olympic Games lagu qabtay Beijing sidoo kale waxa uu booqdayShangha, waxa uu la tacajubay horamarka iyo dhismayaasha kasocdo jayna waxa uuna isbarbardhigaa Newyork iyo Beijing ,wax uu leayahy jayna todobadii sano ee u danbeeyay waxa eey isku diyaarinayeen Summer Olympic Games waxa eeyna dhiseen garoomo, airport,subweys, baarkino iyo wadooyin halka America eey isku diyaarinaysay argagixiso, waxa eeyna samaynayeen daroono duuliyo la,aan ah, hub, taangiyo.


Chapterka koowaad ciwaankiisa labaad The Unusual Ascent qoraagu waxa uu kusoo bandhigaa dood ah in horumarka wayn ee china gaartay uu yahay mid si nabad iyo xasilooni ku dheehantahay ku gaareen waxa uuna la barbardhigayaa dowladaha galbeedka. Waxa uu tusaale usoo qaadanaa bartamihii iyo dhamaadkii qarnigii 19aad markii Yurub iyo Ameerika ku jireen kacdoonkii warshadaha, dowladda ingriisku waxa eey weerar ku qaaday dowladda china ayada oo qasab uga dhigaysa in eey xashiishka ka iibsadaan. Sidoo kale dowldaha yurub badankood wax eey weerar ku qaadeenAfrika. qayraadkoodii waxa eey ku dhisteen warshadahooda sidoo kale dadkooda ayeey soo rarteen si warshadadaha uga shaqeeyaan. 

Qoraagu waxa uu sidoo kale tusaale usoo qaadanaa in ameerika xiligaas dagaal ku qaaday Maksiko kana soo goosatay dhulwayn oo uu kamid yahay gobolka hada Maraykanka ugu qayraadka badan ee Kalifoorniya. Sidoo kale waxa dil iyo dhac lagula kacay dadkii Indiyaanka ahaa ee markii hore Maraykanka daganaa ee meesha loogu yimid ilaa qayraadkoodi laga dhacay lagana ciribtiray intoodii badneed. Qoraagu waxa uu doodiisa kusoo gabagabaynayaa in horumarka wayn ee wadankiisa china gaaray uu yahay mid si nabdoon lagu gaaray balse horumarka eey gaareen dowladaha galbeedka iyo japan eey yihiin horumar ku yimid dhac, dil iyo dhiig badan oo dhulka qubtay.(blood painted GDP)


Chapter koobad qaybtiisa sadexaad Surpassing Japan qoraagu waxa uu ku sheegayaa in 2010 GDP wadanka china uu kasaramaray kan wadanka Japan. Qoraaagu waxa uu ku doodayaa in tan eey aad usoo daahday waxa soo daahiyayna eey tahay dagaaladii dowladihii galbeedka iyo Japan eey kusoo qaadeen wadanka China iyo dhacii eey ka gaysteen. Waxa uu tusaale usoo qaadanayaa dagaalkii wadanka Japan uu kusoo qaaday wadanka china , dagaalkaas waxa eey guushu raacday Japan waxa uuna China ka qaatay 230million oo silver ah taas oo u dhiganta sadex sano misaaniyadii xiligaas ee china.


 Silverkii eey Japan kasoo dhacday china waxa eey ku maalgalisay waxbarashada, warshadaha, ciidanka sidaas ayuuna dhaqaalihii Japan si xowli ah sare ugu kacay. Sidoo kale 1900 waxaa china weerar kusoo qaaday 8 dowladood oo isbahaysanaayo waxaana lagu qasbay in eey bixiyaan 450million oo silver ah sidaas ayuu china dhaqaalihiisa dhulka ku galay.


Chapterka koobaad qaybtiisa afaraad The GDP Paradox. Ciwaankaan qoraagu waxa uu ku sheegayaa in GDP per capital aan lagu xisaabin Karin horumarka wadan waxa uuna doodiisa ku xoojinayaa in GDP per capitalka wadanka Equatorial Guinea uu yahay 20,000$ halka china uu yahay 10,000$ 2009kii. Sababta taas ku dhacdana waxa uu ku sheegay wadanka Equator Guinea laga helay ceel shidaal, wixii lacag kasoo gala shidaalkaasna waxa eey ku dhacaan jeebka madaxweynaha iyo qaraabadiisa shacabkana waxba ma gaaraan, wadankana waxaba iskama badalin. wadooyinka sidii ayeey u burbursanyuhiin,bulaacadaha wasaq ayeey la ciirirayaan, shacabkiina malaariyo ayaa laysay balse markii GDP per capital lagu xisaabiyo dhaqaalaha wadanka aad ayuu sareeyaa.


Next chapter two Insh Allah

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...