Xoghayaha QM Oo Baaq u Diray Taliyayaasha Ku Dagaalaya Sudan

Friday March 08, 2024 - 08:31:06
hadhwanaag
"Waxaan ugu baaqayaa dhinacyada ku dagaalamaya Sudan inay ixtiraamaan bisha Ramadaan"


Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay Khamiistii in la gaadho heshiis xabbad-joojin ah ay gaadhaan dhinacyada ku dagaalamaya Sudan, bisha Ramadan ee barakaysan awgeed, isaga oo sheegay in la joogo xilligii ay Janaraalada ku dagaalamaya dalkaasi ay hubka dhigi lahaayeen, xilli dalkaasi uu cagaha la galay masiibo bini'aadanimo.


"Waxaan ugu baaqayaa dhinacyada ku dagaalamaya Sudan inay ixtiraamaan bisha Ramadaan ee barakaysan, isla markaana ay dagaalka joojiyaan" ayuu yidhi Guterres oo hadal ka jeediyey shir ay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeesheen xaaladda bini'aadanimo ee Sudan.


Xoghayaha ayaa intaas ku sii daray in midnimada dalkaasi ay halis ku jirto, iyada oo laga cabsi qabo in dagaalada ka socda dalkaasi inay xasilooni darro u keenaan gobolka.


Dagaalka Sudaan ayaa qarxay bishii April ee sannadkii hore, ka dib markii ay isku dhaceen Taliyaha ciidamada Sudan, General Abdel Fattah Burhan iyo Mohamed Hamdan Dagalo oo isna maamula ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee RFS.

     
Loading...