Militariga Ukraine ayaa
sheegay in Jimcihii ay soo rideen saddex diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo
laga leeyahay dalka Ruushka, kuwaas oo ku sugnaa koonfurta dalkaasi.
Saddex ka mid ah
diyaaradaha dagaalka ee Su-34 ayaa lagu soo riday gobolka Kherson, sida ay
shaaciyeen ciidamada cirka ee Ukraine.
Madaxweyne Volodymr
Zelensky ayaa u mahad celiyay askartii soo ridday diyaaradaha, isagoo sheegay
in shilkan uu ka dhacay gobolka Kherson ee uu dagaalku ka socdo.
Moscow kama aysan
hadlin sheegashadaas, laakiin kuwa wax u qora ee Ruushka lala xiriiriyo ayaa
soo sheegay inuu jiro khasaare.
BBC