Horaa loo yidhi " Markay kadantay Alle taqaan" hees baa ahayd "Dhaaxaa ladnaydoo, sidaad aar libaax tahay, talaaba ladhaysee,Ana lahasha-daadiyo, ledi waayey ciiloo, liidnimo I raacdee, waa adiganse liitee, Leexadu ku sidatee, hadba laan cuskanayee,libaan-teed aduunyadda ruux-na laasan maayee, maxaa Luray naf-taaddii" askaraggii " Raggii ma adigaa ka hadhay" Iyo kooxddii daba fadhiday, haday la soo jeesteen " Tolaay yaa Isaaqaay" Balse inuu hanfade waalan yahay, hadi la'aantiisa, haduu ku hirtay Garxajiskuu Huqay colaadiiye" Waar xaarka isku xeji, naxariisi inama dhex taale, durba oohintu waa maxay, saw adiggii ninka adag ahaa, maxaa dhaydda caanaha kaa lisay, maryii xooray, ciddii tolaay aad ku dagaal gelin karto, ka kuu jixin-jixaaya aynu eegno'e.
Ma hadaad ku waalatay Daarood, argagixso iyo wax aad ugu yeedhay Iri-Samaale, Dir, Oromo, Cadawga Gudaha iyo huwan baa inagu soo duulay, ka maal dee waa tii laguu taag waayaye, maxaad ilmadda yaxaaska la qubaysaa, bal maa imika dhulka loo rogo S/land-ta aad sheegayso. Ciddii wax ku qabtay-ba ha ka dunto.
Meeday is xariinfintii iyo faro taag-taaggi.Hees kale baa waxay ahayd " Illaaheena weyn baa amar-kiisu fulayaa, inad adigu talisaad ayamahan is moodee,laba eefka dhaaxaad, afar qaaday socodkee, hadaad uub ka lulataa, waa aduunyoo, ilayn anyone ma lahee, ila arag ax iyo way, inay oodo leedahay, inay Oohin leedahay, ee ubaxii baxayaay, saw adigan abaarsaday" Horaa loo yidhi "Nin is waalaba, waabiyaa hela" Dhulbahante saw ka joog lagaama kari waayin, oo shacab-koodu maad xasuuqin, mood iyo nool maad adigu ka burburin, nabad nagag bax, lagaagama quusan, meeday is adkayntii? Iyo anaa muftaaxa dagaalka haya? Habqan-kaaggii saw taas adhi jirtu ciyaalkii aad meesha geysay, kolba kayn adhigu daaqo ay ka soo helayaan, kii la qab-taaba uu Gatxajis sheega-naayo, sidda sarkaalka la yidhaaho " Gadhka Yogolka", guul darrraddii casrigan ugu weynayd saw lamaad fuqin, maxaa ka nool maleeshi-yaadkii aad Sool geysay, intee dhaawac lagaa hayaa? Kun iyo dheeraad saw may dhiman, maxaabiistu may tiro beeline, hubkii wixii aad haysay gacan-toodda may gelin, Allay lehe abaalkaa, aduun waa hadhkaa labadda gelin marba shinac ahe. Ma laguu qoday iil kaa yar. Alley-lehe bagay kuugu dhacday.
Hees ay qaadi jirtey ( Illaah ha naxariisto'e) Sahra Ahmed Jama, baa waxa ereya-deedda ka mid ah " Nugaal durdur laga waa docmana aroor aroor qabay, dad ma qaadan karyaa? Jawaabtu waa maya, waxa kaloo la mid" Dameero dihashadda wello daadiyoo dhalay dad miyuu aqbalayaa? Jawaantu waa " Maya" waxa sii dheer intan ee hoo iyana oo adigu ka jawaab " Waatan nabaddii durugtee, horta yaa isku keen direy? Dumadiisa yey tahay? Yaa dabina-daas dhigay? Yaa Qalabi-geeni dhan u wadda jeeday door-saday? Saw wax aan dhici karin maaha, dameero weyllo dhalaa iyo aroor nugaal ka tegay, oo docmo u biyo doontay.
isku soo duuboo, caqliga sinaba uma geli karto, in maamulka labadda askari iyo Saleebaan Yuhuudi ay nabad ka taliyaan, dal iyo dad u naxaan, waayo caqli-gaasba ma laha. Ugu dambayn haddii aad ka tashan weydaan, waa taas oo abadda ah iyo in aad isku dhamaataan.
* N.B Aduun-Yadda Waaya-heedda Ninkii Ogi Ma Ad-yadoodo!
Qore:- Abdi-Shotaly.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!