Ilmo-adeerta is guursata: Caddeymo cusub oo laga helay caafimaadka carruurta ay dhalaan

Sunday March 09, 2025 - 06:00:00
hadhwanaagnews
Ayeesha waxay jirtaa 29. Waa gabdha ugu weyn saddexda walaalaha



Saddex gabdhood oo walaalo ah oo ku nool magaalada Bradford ayaa si farxad leh ugu sheekeysanaya gurigooda. Timaha ayaa loo hagaajinayaa. Farxad iyo qosol ayey ku jiraan. Saddexda gabdhood waa dhowr iyo labaatan jir. Sheekooyin ayey is dhaafsanayaan. Waxay ka sheekeysanayaan guur.

 

Gabdhahaas walaalaha ah waxay diyaarinayaan aroos dhacaya dhammaadka toddbaadka. Wiilka iyo gabadha is guursanaya waa ilma adeer. Guurka noocaas ah waa mid caadi ka ah magaalada.

 

Ayeesha waxay jirtaa 29. Waa gabdha ugu weyn saddexda walaalaha ah. 2017-kii ayey guursatay ina adeerkeed. Waa qoys farxad ku nool oo haysta labo carruur ah.

 

Salina waa gabadha ugu yar qoyska, waxay jirtaa 26 sano. Waxay noo sheegtay in ay jabisay xeerka qoyska oo ay guursatay jaceylkeeda. Waxay noo sheegtay in aysan ku qancin guurka qarabaada dhaw. Mallika oo ah gabadha saddexaad oo 27 jir ah weli lama guursan.

Walaaca kordhaya

Dabcan tani waa hal cilmibaaris. Dadka ku nool magaalada Bradford ma matali karaan UK oo dhan balse waxay muujineysaa walaaca kordhaya ay saynisyahanada qabaan taas oo soo jiidatay xildhibaanada Yurub oo dhan.

 

Labo dal oo Scandinavian ah ayaa soo saaray qeynuun mamnuucaya guurka ilma adeerta. Sanadkii hore ayey Norway sharcidarro ka dhigtay. Haka Sweden ay joojin doonto sanadka dambe.

 

Richard Holden oo ka tirsan baarlamaanka UK ayaa soo jeediyay qaynuun mamnuucaya guurka ilma adeerta. Balse dowladda hadda jirta ee xisbiga shaqaalaha waxay sheegeen in aysan taasi hada qorshaha ugu jirin. Waxaa jira dad doonaya in UK ay raacdo wadada dalalka Scandinavian-ka.

 

Khatarta caafimaad ee carruurta ayaa ka mid ah sababaha uu Patrik Nash oo ah cilmibaare u doonayo in la mamnuuco guurka labada qof ee ilma adeerta ah.

 

UK ma ahan wax ku cusub guurka ilma adeerta. Charles Darwin oo ah seynisyahan si weyn loo yaqaan wuxuu guursaday ina adeertiis Emma Wedgwood.

 

Qarnigii 20-aad guurka dadka aadka isugu dhow hoos ayuu u dhacay balse dadka ka soo jeeda Asia weli way ku dhaqmaan.

 

Bartamaha magaalada Bradford, ku dhawaad kala bar hooyooyinka ka soo jeeda Pakistan waxay guursadeen ina adeerkood sida lagu qoray xogtii ugu dambeysay carruurta ku dhalatay Bradford labo sano ka hor.

 

Prof Oddie waxa uu qabaa in dhibaatada ugu weyn ee caafimaad aysan ka imaan oo kaliya guurka ilma adeerta balse ay sidoo kale ka timaada dadka isku meel ka soo jeeda. Guurka dadka halka bulsho ah ma ahan wax ku gaar ah bulshada Pakistan, sidoo kale bulshada Yahuuda ayaa sidaa sameeya.

 

Awoodda tacliinta

Prof Oddie wuxuu sheegay in halkii laga mamnuuci lahaa loo baahan yahay in la adeegsado awooda tacliinta.

 

Sanado badan waxaa jiray olole dadka Pakistan ka soo jeeda ee ku nool Bradfod loogu sheegayo khatarta hidasidaha. Lamaanayaasha waxay talo caafimaad ka helayeen dhakhaatiirta marka gabadha ay uur qaado.

 

Marka laga soo tago khatarta caafimaad waxaa jira sabab kale oo dadka qaar ay u doonayaan in la mamnuuco guurka ilma deerta. Waa saameynta wadajirka bulshada. Tani waa mida dood ka dhalisay dalal ay ka mid yihiin Norway halkas oo laga mamnuucay guurka ilma adeerta.

 

Sidoo kale waxaa la eegayaa xiriirka ka dhexeeyay guurka ilma adeerta iyo dilka loogu yareeyo dil sharafeedka sida laga soo xigtay Tonje Egedius oo ah wariyaha sheekadna ku qortay wargeysa ka soo baxa Norway.

 

Dadka qaar waxay u arkaan guurka ilma adeerta mid keenaya kala soocid kaas oo meesha ka saaraya dadka aan bulshadaas ka soo jeedin. Kuwa kale ayaa ka shakisan sida dadka loogu qasbayo isdhexgal qasab ah.

 

Hadii aan dib ugu laabano guurkii ka dhacayay Bradford ee gabdhaha walaalaha, Ayesha oo ah gabadha guursaneysay ina adeerkeed wuu dhacay arooskeeda dhammaadkii todobaadka. Waxay sheegtay in caqabada badan ay ka soo gudbeen hadana ay yihiin lamaane faraxsan.

Bbc/somali

     
Loading...