Beesha Reer Cadaawe(Ciise Muuse) Oo Shaaciyey Suldaan Ay Dhawaan Caleemo Saari Doonaan

Tuesday July 02, 2019 - 18:11:53
Beesha Reer Cadaawe(Ciise Muuse) Oo Shaaciyey Suldaan Ay Dhawaan Caleemo Saari Doonaan


Hargeysa(HWN):-Suldaan Maxamed Ibraahin Shire oo ka mid noqonaya madax dhaqameedka somaliland ayaa la shaaciyey in dhawaan la caleemo saari doono.


Munaasibadan lagu shaacinayey in dhawaan la caleemo saari doono suldaanka beesha reer cadaawe(Ciise Muuse) oo lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay qaar ka mid ah madax dhaqameedka dalka, waxgarad ka soo jeeda gobolada Saaxil iyo Maroodijeex iyo marti sharaf kale.




Jiif Caaqil Cumar Yuusuf Diiriye oo ugu horayn ka hadlay munaasibadan ayaa ka waramay caleemo saarka suldaanka ayaa sheegay in laysku raacsan yahay "Dhawaaqa soo baxay ee suldaan Maxamed Ibraahim Shire mudo dheer ayey hadal hayntiisu soo socotay, waano iyo talana way iska badnayd hadana kumay suura geline waa la soo galbiyey anaguna waanu aqbalnay, jiifkii guud ayaanu wada daadihinaynay, sidaas darteed jiifkuna wuu ogyahay cida meesha inoo joogtana waa la yaqaanaa cidaasina way ogtahay waana laga soo ansixiyey.”




Sidoo kale caaqil Aw Siciid Axmed Cali oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa soo dhaweeyey suldaanka cusub " Waxaan leeyahay raaskaas uu inanku ka soo jeedo waar Suldaan Maxamed Ibraahin Shire wuu u qalmaa saldanada oo akhlaaqiyan iyo diinba wuu u qalmaaye halagu caano shubto ayaan leeyahay, marka uu mudankii inala joogo oo abokor ah, faaraxna la ogaysiiyey, maxamuudna waa ogyahay, iidle-na waa ogyahay inankaasi wuu ducaysan yahay qofkana akhlaaq iyo diin ayaa lagu doortaa, carabkiisa iyo adinkiisaba umadu way ka nabad galeen kaas ayaana umad hogaamin kara ee halagu caano shubto.”



Jiif Caaqil Maxamed Siciid oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa soo dhaweeyey suldaanka cusub waxaanu yidhi "Maanta waa hordhac waanan soo dhawaynaynaa suldaanka oo ah nin dhalinyaro ah oo aqoonyahan ah oo waxgaradna ah sida la sheegayana waa nin karti badan waana kii loo baahnaa.”


Sidoo kale madax dhaqameed kale oo munaasibada ka hadlay ayaa dhamaantood bogaadiyey suldaanka cusub ee dhawaan la caleemo saari doono iyaga oo sheegay in beeshuna dooratay qofkii ugu haboonaa




     
Loading...