Siyaasadda muranka
dhalisay ee dawladda Ingiriiska ee lagu joojinayo qulqulka muhaajiriinta ayaa
toddobaadkan wajahaysa, mid ka mid ah caqabadaha ugu adag, iyada oo Maxkamadda
Sare ee UK ay miisaamayso in ay sharci tahay in magangelyo-doonka loo diro
Rwanda.
Xukuumadda uu
hoggaamiyo xisbiga Muxaafadka ahi, ayaa ka soo horjeedda go'aanka ay soo
saartay Maxkamadda Racfaanku bishi June ee sannadkan, kaas oo sharci darro ku
tilmaamay, siyaasadda ay xukuumaddu ku doonayso inay ku hakiso qulqulka
muhaajiriinta imanaya Britian. Maxkamadda ayaa go'aankeeda ku sababaysay,
inaanu ammaan ahayn dalkan ku yaalla bariga Afrika ee ay dawladda Britian doonayso
inay u dirto muhaajiriinta.
Waxaa la filayaa inay
maalinta Isniinta ah ay bilaabanto dood sharciyeed saddex maalmood socon
doonta, taasoo ay xukuumaddu ku difaacayso siyaasadeeda, isla markaana ay ku
iftiiminayo in meelaha la geynayo muhaajiriintu inay ammaan yihiin, halka
garyaqaano kala metelaya muhaajiriin ka soo kala jeeda Vietnam, Syria, Ciraaq,
Iran iyo Sudan ay ku doodayaan in siyaasaddaasi ay tahay mid sharci-darro ah oo
ka soo horjeedda bini'aadantinimada.
Dooddan ka bilaabanaysa
maxkamadda sare ee Britian ayaa ku soo beegmaysa, xilli ay dalalka Yurub iyo
Maraykanku ay la daalaa dhacayaan inay la yimaaddan, hababka ugu wanaagsan ee
loola tacaali karo muhaajiriinta ka soo cararaya colaadaha, gacan-ka-hadalka
iyo cadaadiska ka jira dalalkooda.
Dawladda Biritian ayaa
ku qiyaasatay in intii ka horraysay bishan October 2-deedii inay dalka Britain
ay doomo ku soo galeen illaa 25,000 oo qof, taasoo 25% ka yar tiradii sannadkii
hore haatan oo kale soo gashay dalka Britain oo ahayd 33,000.
VOA