Joogteyntu ma noqon karto ikhtiyaar. Maaha mid maanta samayn karto, berrina aad iska deyn karto. Sidaas awgeed, waa inaad xuduud u dhigtaa naftaada. Tusaale ahaan, "ma hurdo tagi karo, aniga oo aan dhammaystirin hawsha ceynkaa ah".
2. Ku bilow wax yar.
5 daqiiqo oo aad qabatid wixii aad rabtey inaad joogteyso, waxa loo xisaabin karaa in ay guul tahay.
Waxa habboon in aad u dhigto habka ah: inta ugu yar ee aad samayn karto, in aad rabtid iney dhaqan kuu noqoto iyo inta ugu weyn ee aad qaban karto, tusaale, shan daqiiqo oo wax la qoraa, waa waxa ugu yar, 30 daqiiqo waa rabbitaankaaga in dhaqan ka dhigato; halka laba saacadoodna tahay, waxa ugu weyn ee aad rabto inaad qabato.
3. Qabo xilli hore
Xilliga hore waa aad leedahay rabbitaan, maskaxdaaduna waxa ay leedahay tamar badan.
waa inaad qabataa hawlaha laga maarmaanka ah; ha dambeeyaan wixii aan muhiimad lahayni.
Ku horee hawlaha aad dareensan tahay inay kugu adag yihiin. Taasi waxa ay keensanaysaa in tii kakanayd aad samayso , iyada oo kuu fudud, tii hore aad dareensanayd inay fududahayna, wey ka sii fududaan sidii hore!
4. Ha u sheegin dadka kale!
Haddii aannad waxa aad qabaneyso u qabaneyn naftaada , had iyo goor waxa aad ku tiirsanaan dad kale. Qorshahaaga iyo waxa aad qabanayso ha la wadaagin cid kale; maxaa aad ula wadaagiba wixii aad qabanayso iyaga waxba kama gelin, xilna kama saarna, balse adiga ayaa uu xil kaa saaran yahay.
Arrimahaaga marka aad dadka kale u sheegto, waxa laga yaabaa in ay ku xaasidaan, iney qorshaha aad ku hammineysay kaagaba horreeyaan. Mararka qaar wixii aad hore ugu sheegtey, marka aad sidiisii u qaban weydo, waxa ay kugu abuureysaa walaac, ileen dadka ayaad hore ugu sheegtey oo wey ku weydiin doonaane!
Maqaalkan oo dhammaystiran kala socda bogga Qalin iyo Qormo
W/Q : Maxamed Haybe Axmed.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!