Shirkada Dahabshiil Oo Ka Hadashay Suuqa Wajaale Ee Gubtay.

Sunday September 17, 2023 - 08:51:13
Hadhwanaag
"Waxaanu bogaadinaynaa ciidanka naftoodda hurayaasha ah ee dabdamiska"


 


Hargaysa (HWN) Shirkada Dahabshiil ayaa ka hadashay dabkii xalay ka kacay Suuqa Wayn ee Wajaale.

 

Shirkada ayaa ku ammaantay ciidanka dabdamiska wajaale, qaabkii ay ula tacaaleen daminta dabkaasi.

 

Shirkada ayaa sheegtay in ay samayn doonto waxkasta oo caawimaad ah oo ay awoodo, iyadoo dadka Somaliyeedna ugu baaqday in ay ka qayb qaataan gurmadka Suuqa Wajaale, sida ay shirkadu ku sheegtay qoraalkan hoose.

 

"Waxa aannu aad uga xunnahay musiibadda dabka ka kacay  suuqa magaalo ganacsiyeedka Togwajaale, oo ganacsato badan ku waayeen ganacsigoodii ay ku tiirsanaayeen shaqaale iyo qoysas badani. Dahabshiil Group ahaana waxaanu sameyn doonaa waxkasta oo caawimaad ah oo aan awoodno,  Insha Allah.

 

Waxaanu bogaadinaynaaciidanka naftoodda hurayaasha ah ee dabdamiska wajaale  ee la tacaalaya daminta dabka, iyo ciidamadda  gurmadka degdega ah ee ka yimid Jigjiga, Gabilay, Hargaysa iyo Boorama.

waxaanu ugu baaqaynaa dhamaan Bulshada Somaliyeed in ay si wayn uga qayb qaataan gurmadka suuqa Wajaale.

 

#Wajaale #prayforwajaale #DahabshiilGroup”


Dahabshiil

     
Loading...