Hargaysa (HWN) Xoghaye
Maxamed Saddii Dhamme oo ka tirsan xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa ka
hadlay mashruuc xukuumada Somaliland dhawaan ay dhistay oo hadana ay xalay
Burburisay tiiyoon sheegin sababta loo burburiyay dhismahaasi.
Xoghaye Sadiiq ayaa
shaaciyay lacagta ku baxday mashruucaasi ay xukuumada Muuse Dib ubur burisay.
"Mashruuca dub u
dhiska Fagaaraha Khayriyada Hargeysa waxa ku baxay ($222,153) Maalintii danta
laga lahaa Mashruucaa lama marin jid Sharci waxa la siiyay Shirkado aan ku
tartamin, wejigii hore waxa lagu bixiyay ($132,784) waxaana la saxeexay
(20-12-2020) Madaxtooyada Somaliland waxay heshiiska la gashay Shirkadda dib u
dhisaysa Diyaarada ee Zak Construction (30-11-2020) muddada qandaraasku wuxuu ahaa 3 bilood (29-JUN 2021) mar labaad waxa lagu kordhiyey
kharshka dhismaha qiime lacageed ($89,369) maanta waa la dumiyay oo wejahadda
waxa looga rarayaa Taajir aan ku helin Tartan iyo Jid Sharci oo Daahfuran, 10
goobood way ka badan yihiin Danta Guud ee Dabka saarani ! Hargeysi ha toosto ?”
ayuu yidhi Xoghaye Maxamed Sidiiq Dhamme.
Shacabka oo ka hadlay
mashruucan ay xukuumadu burburisay ayaa sicadho leh uga hadlay sababta loo
khasaaray lacagta lagu dhisay mashruucaasi, xili xaalada dhaqaale ee Somaliland
ay marayso meel hoose.