Is-leegta dharaaraha { Sheeko gaaban.}

Saturday April 12, 2025 - 07:00:23
hadhwanaagnews
Waa halkii soomaalidee waa, " Maan Baray iyo maan Bilaal."..

May be an image of one or more people

Waa maalin Sabti ah, waa maalinta toddobaadka u horaysa. Waa maalin shaqo iyo wax-barasho ay u dareeraan dadku badanka. Waxa wadada dhinaceeda taagan bas caasiga yar ee ah nooca loogu talo galay ardayda iyo macallimiinta. Basku waxa uu goorahanba hoonka u tumayaa Macallin Mustafe oo ah kan u danbeeya ee uu basku qaado. 

Isaga oo ordaya ayuu soo fuulay baskii, waxa ka muuqda maanta habsan badan, waxay u eegtahay in ay hurdadii la dheeraatay maanta. Waa qof xiiqsane albaabkii baska ayuu deg-deg u xidhay, wuxuuna door-biday inuu taagnaado. Waxa uu matalayaa kaalinta kirish-boyga, ma uruurinayo lacag balse wuxuu maanta uruurinayaa dareennada dadka, waayo sida uu u eegayo wajiyada dadka saaran baska dhammaantood ayaad ka dareemaysaa.

Wuxuu indhaha la raacay dadkii saarnaa baska dhammaantood. Mid wuu cadhaysanyahay, mid kale wuu wal-walsanyahay, mid baa ba murugsan, halka mid kalena uu xanuunsanayo, mid baa iyadu maseyrsanba, mid kaloo koone fadhiyaa wuuba naxsanyahay, mid isagu daaqada si fiican u daawanayaa wuu faraxsanyahay, halka uu niyad jabsanyahay wadaha gaadhigu.

 Waa halkii soomaalidee waa, " Maan Baray iyo maan Bilaal.” Dadkan xaaladahoogu wey kala tagsanyihiin sida cirka iyo dhulku u kala fogyihiin oo kale. Macallin Mustafe wuxuu jeclaystay inuu qof walba waxa uu wejigiisa ka arkayo weydiiyo. Axmed yare oo ah wiil 7 sanno jir ah ayuu su`aashii kaga bilaabay. " Axmed yare , maanta maxaad dareemaysaa?” " Macallin, waxaan ka wal-walsanahay waxa uu igu samayn doono macallinkii axmaqa ahaa, maadaama oo aanan ka soo shaqayn hawl-qabadkii uu shalay noo diray sababo la xidhiidha inaan ilaabay hawshaas gebi ahaanba.” hagaag, Macallin Samatar adigu maxaad maanta dareemaysaa? Samatar oo aan hayn tamar uu ku hadlo ayaa yidhi, " Waxaan dareemayaa murugo. Waxaan ka qoomamaynayaa sag-saagii aan shaqada ku sameeyay,taas oo igu sababtay inaan saaka helo warqad shaqo caydhin ah. Bishu inta ay dhammaanayso ayaan idinla sii shaqayn doonaa, kedib waxa dhici doona ma garan karo runtii. Arintaasi wey iga murjisay dhab-ahaantii.”

Mustafe isaga oo aan wax tallo ah bixinayayn ayuu sii wadaa ururinta dareennada dadkan ay baska wada saaranyihiin, ee ay shaqo wadaagtana yihiin. Markan wuxuu eegay dhanka Macllimad Faadumo wuxuuna dhankeeda u tuuray hadal u dhignaa, " Haye, Macallin Faadumo, siduu yahay dareenkaagu maanta?” " Iska aamus hadaba ninyahow! War kii i qabay baa la ii sheegay xalay inuu naag kale qudbo-siraystay.

 Warkaa waxaan ka helay saaxiibtay Kawsar oo ii soo xaqiijisay. Wuxuunbaan odhanjiray habeen dhaafka uu ninkani hawsha yeeshaa maxay tahay? Balse xalay baan ogaaday filimkiisa oo dhan. Saaka masayr baan kix taaganahay.” walee waa yaab! Haye, Macallimad Sahra, kawaran dareenkaaga saaka? " Foolkayga ayuu dareenkaygu ka muuqdaa saaka Mustafow. Waan xanuunsanayaa saaka oo hargab baan la liitaa.” Caafimaad hor leh Rabi ku sii . 

Sharmaake maxaad saaka dareemaysaa adiguna? " Waan naxsanahay. Xalay ayuunbay ahayd markii aan ku adkaynayay saaxiibkay arintii lacagta. Waan u sheegay in aan lacagtaas iskaga fur-furayo islaantii Maryan. Waxaanba ka qoomameeyaa maxaad uga qaadatay maryihii haftada ahaa, waayo lacagtii ayay igu xiijisay. Maalinkii Alle keenaba tobbanaan jeer ayay isoo weydiisaa, kii doqonka ahaana waakaa iga qaban la`a taleefanka. 

Waxaanba ka baqanayaa in ay dugsiga iigu timaado.” Haye Jibriil, waa sidee xaalkaagu saaka? " Waan faraxsanahay saaka runtii, ma cabiri karo dareenkayga. Berri waa xafladii meherkayga, mana sugi karayo.” Gallad Eebe weeyee, hanbalyo walaal. Macallin Sakariye adiguna? " Waxoogaa waan cadhaysanahay saaka. Waxaanu isku soo dhacnay xaaskaygii, mar kasta waxay samaysaa ficillo i xanuujiya, marar badan oo aan kala hadlayna maaha mid daynaysa, sidaa awgeed baan saaka u cadhaysanahay.” Yasir Alla! Malaha qofka hadhayba waa wadihii gaadhiga. Yuusufow waa sidee xaalkaagu saaka? " Saaka waxaan ka niyad jabsanahay, qiimaha shiidalka ee korka u kacay. Masaariiftii reerka si aan u maareeyaba ma garanayo saaka.”

Waad aragtaa in aanay cadceedii soo baxdaa dadka u wada sinayn. Hadii aad faraxsanatahy midbaa murugaysan, hadii aad caafimaad la daansho-daanshoonaysana midbaa sariirta u yaala xanuun dartiis. Baskii wuxuu gaadhay dugsigii maalintiina sidaas ayay ku soo idlaatay. Waa arooryo cusub iyo maalin kale oo uu Raxmaanku inoogu deeqay. Saaka Mustafe waaba diyaar oo isagaa baska kaga soo horeeyay wadada. Si fudud ayuu baskii gudaha ugu soo dhacay. 

Saaka wuxuu indhihiisa ku arkaa muuqaallo ka duwan kuwii uu shalay arkayay. Wuxuu hadal ku bilaabay Sahra , sideed tahay Marwo? " Gallad Eebe weeyaan, saaka waan caafimaad qabaa.” Eebe u mahad naq, shalay ayuunbaad xanuun la daalo dhacaysee. Haye Axmed yare saaka miyaad wal-walsantahay? " Maya, saaka waan degenahay waayo hawl-qabadkii shalay waan soo qabtay.” waa war wanaagsan. 

Macllin Samatar miyaad saaka murugsantahay? " Haku sheegin! Maamulihii dugsiga oo aan shalay la hadlay wuxuu la laabtay shaqo caydhintaydii, saaka waan degenahay.” ilaasho shaqadaada, si aanad mar danbe u qoomamayn. Sakariye miyaad cadhaysantahay saaka adiguna? " Maya, saaka caadi baan ahay. Heshiis anaga oo ah baan saaka xaaskaygii ka soo baxay.”

Dirawal Yuusuf xaalada kawaran saaka? " Xalayba niyad wanaagsan baan la hoyday markii la jabiyay qiimihii shiidaalka galabtii shalayba.” farxadaadu waa tayda walaal. Haye marwo adiguna shalay waad masayrsanayd ee maanta waa sidee jawigaagu? " Deg-degu waa camal shaydaane, deg-deg baa i qaaday . 

Miskiinkii i qabay waan u gafay, dantayada ayuu u dib-jiray anna markaasaan xalay buuq ku furay. Wuu i dejiyay wax walbana wuu ii cadeeyay, saaxiibtay in ay tahay lug-gooyadayda ayaa ii cadaatay.” waa arin wax kabarasho mudan. Ninkii guursanayay maanta waa farxadiisii oo inalama socdee wanaag ayaynu isagana u rajaynaynaa. Sharmaake waa sidee xaalkaagu saaka miyaad naxsantahay ? " May , shalayba naxdintii wey iga ba`day, markii aan lacagtii saaxiibkay ka helay islaantiina u diray.”


Tani waa nolosha iyo xaqiiqada is-bed-beddelka badan wadata. Waad aragtaan in noloshu si dhakhso leh isku badalayso. Dareemadeena in aynu ku go`aan qaadano maaha. Maalinta aynu liidano maaha in aynu iskugu sheekayno in aysan jirin cid inaga liidataaba. Maalmuhu markasta sidaas ayay isku bedelayaane maxaa xal? Maalin kastaa waxay la iman doontaa dareenkeeda gaarka ah, muhiimadu waa in aynu leenahay ogaal qoto dheer, oo inaga saacidaya xakamaynta nafteena marka ay xaalad cusub gasho. Noloshu wey is bedelaysaa marwalba weliba si joogto ah ee haka dhicin baska nolosha.

Hadaad soo gaadhay dhammaadka sheekada, waxaan kaaga mahad celinayaa wakhtigga iyo tamarta aad ku bixisay. mahadsanid markale.

WQ : Muhumed Faisal.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...