Sawkaa Dad-keenii, Dibnii Sheeko Daayeen ( Abdi-Shotaly).

Saturday June 29, 2024 - 15:40:32
hadhwanaagtv
* N.B Dulinimo adays baday, iyo doogta kugu taal!


Alhristaw maanta waxan isku deyayaa bal in aan sarbeeb waxa idiinku sheego, taas oo ah halka xaalka dalkeenii marayo iyo wax socdda, ee weli kii waxaas dhigay uu mar kale kaadhka kaa marsado, ee ku soo dhawaadda waa tane:-


Dalkii kala dareeyaye, horta yaa denbiga dhigay?

Inta daran ka sii daran, ka u daran dad moodooy,


Ka-daraad dugsa-naysaa, dirigaad hambuudhiyo,

Midkii diifta ku badaad, weli daba ordaysaa,


Duufaan qabyaaladi, dirxi hoosta kaga jiro,

Kuu dareershay subax qudha,daad raacdda kugu wadhay,


Intaan dooni kula degin, dusha daadku kaa marin,

Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.


Dugaag kuu xareeyaad, markuu dumiyey daartii ( Somaliland),

Daaqaddii la sii baxay, uu ka goostay daahii,


Dalagaad lahayd liqay, kaa dudubiyey hantiddii,

Digo kuu karkari-yaad, door hore ku bi'iyaad,


Maan-tana dul joogtaa, Ayaan daran in aad tahay,

Intaan dooni kula degin, dusha daadku kaa marin,


Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.

Dameeruhu ku dhaamaan, dulinimo adeys baday,


Weli aan dareemayn, door-yaankan baraddii,

Ku dikaday lib-taaddii iyo doogta kugu taal,


Nabaradda damqana-yiyo, darib-taadda kii cunay,

Inu dadabta kuu galay, ruux damiina mooyee,


Intaan dooni kula degin, dusha daadku kaa marin,

Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.


Miyey dedentay xaajadu, sawkaa dad-keeni,

Dibnii sheeko daayeen, daali-miinta madax biday,


Kuli loogu daw galay, dantoo-duun ka raacdee,

Kolkuu dabinka kuu xidhay, dar illaahay kaa tegay,


Mar kala-na I dooruu, weli kaa dal-banayaa,

Intaan dooni kula degin, dusha daadku kaa marin,


Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.

Digtoonaadda shicib-yahaw, intaan deylo lala tegin (Somaliland),


Darib-taadda jiidh-kiyo, dabool-kaagga haragiyo,

Dibnaa eebo lagu goyn, u dareerin Xamar iyo,


Darxuma-daad ogayd iyo, waxaad diiday beri hore,

Maantana dib ugu noqon, delde-laaddii waaggii,


Duuduub u madhiyaayey, duhur lagugu kala tegin.

Intaan dooni kula degin, dusha daadku kaa marin,


Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.


Waxan ku soo af-jaray qoraalkan, maah-maadfii ahayd " Nin Gol-jilicdaadda Yaqaan, Kaama Baydho" Sababta oo ah wuxu og-yahay in uu kaa hoos baxayo, wuxu doonana ee ah dantiisa ( Hadda Dantaad Maaha) uu kaa fushan karo, taasina waata keentay in ay kugu soo noq-nodaanilayn il-daabaano bay kaa heleene. Alhristaw arintani waata uu askariga "Xaafad-Tooyadu" beenta kuula garab joogo. Hadaba maanta baamustaqbal-kaagu uu ku xidhan yahay fartaadda ee ka fiirso, si aydaan mar kale farthing u eedin.


* N.B Dulinimo adays baday, iyo doogta kugu taal!

Abdi-shotaly,

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...