Dhaqtar ka yimid
magaalada Benghazi ee bariga Liibiya ayaa gaaray magaalada Derna si qeyb qaato
howlaha gargaarka dadka ay duufaanta saameysay, waxaana uu sheegay in isaga iyo
asxaabtiisa ay aad uga xumaadeen waxa ay la kulmeen.
"Waxaan aragnaa meydad
tiro badan oo aagga oo dhan daadsan. Waa masiibo gebi ahaanba. Waan naxay,
runtii,” Dr Anas ayaa sidaas u sheegay barnaamijka maanta ee BBC.
Dadka ku nool magaalada
dekedda ah ayaa aad u argagaxsan oo way kari waayeen inay ooyaan, ayuu yiri.
Meydad badan ayaa la
soo dhigay waddooyinka si ehelada ay u gartaan, ka hor inta aan lagu aasin
qabuuro ay qodeen baaburta dhulka lagu qodo.
Dhakhaatiirtan ayaa
sheegay in dhammaan goobihii la waayay, dhismayaal ay badda galeen, kuwa kalena
ay hadda dhoobo hoostooda ku aasan yihiin.