Hargaysa (HWN) Xildhibaan
siciid Cudhay oo kamid ah golaha deegaanka Hargaysa ayaa gudidii beelaha Habar-jeclo
u sheegay in dhex-dhexaadintii ay wadeen cafiska jabhada fuushay buurta gacan libaax
ay ka soo qoraan Muuse Biixi
"Sida waafaqsan
dastuurka JSL Qodobkiisa 90 farqadiisa 5 wuxuu tilmaamayaa in cafis cida
bixinkartaa ay tahay Madaxweynaha oo kaliya, sidaa daraadeed waxaan u soo
jeedinayaa Gudida Habarjeclo ee soo afjartay khilaafkii in ay warqada cafiska
ka soo qoraan Madaxweynaha si inamada Buurta Gacanlibaax ku sugani u helaan
kalsoon." Ayuu yidhi xildhibaanku.
Wasaarada arimaha
gudaha ayaa hore warqad ay ku sheegtay cafis uqortay jabhada buurta gacan,
balse warqadaasi waxaa ku saxeexnaa wasiir ku xigeenka Amniga ee Wasaarada
arimaha gudaha, kaasi oo aan lahayn awood uu wax ku cafiyo sida uu sheegayo
dastuurka Somaliland.