Haddaan Doorashada La Gelin,Dagaal Wuu Dhaci Karaye,Ducada Eebbaheen Akhriya.

Thursday July 06, 2023 - 14:41:30
hadhwanaagtv
Tu khaas ahna bahda H/W iyo akhristayaasha.



Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B],

 

Tu khaas ahna bahda H/W iyo akhristayaasha.


 

 

Dawgii sharciyo distoor,Dawladu diido nacdo,

 

Doorasho lama doonayo,Dantodaanay ahayn,


 

Dagaalana waa jiraano,Dalaa laga dhiganaya,

 

Dulmigu isagay isdile,Dadaalo dulqaad ogaada,


 

Duruufa taaganiyo,Dadkeenan daaycan dayoo,

 

Daayin bay dadku leeyahiin,Dariiq isaga u furi,


 

Ninkasto darandooriyaaba,Dibuu naasnaasiya,

 

Dabaara lagu guda,Haddaan dayax soo baxayn,


 

Habaar dibadba la yidhi,Ducana waa lagu hodma,

 

Degenaasha door bido,Degdega shaydaan u daya,


 

Dumarkenu Inayna nixin,Dantenuna waa amaanka,

 

Ismai Abdillahi Handuleh.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...