"Komishanka Doorashadu way garanayaan sida ay u kala horeeyaan…" Cali Guray

Thursday July 06, 2023 - 14:18:51
hadhwanaag
Qaranka Yaan Qof Dantii Loo Duminin.




Waar Hooy Waa Iga Talo:

Qaranka Yaan Qof Dantii Loo Duminin.

Komishanka Doorashadu way garanayaan sida ay u kala horeeyaan doorasho ay sharcigeeda hayaan hawsheeda oo komishankii hore ay gacanta ku hayeena ay kala wareegeen iyo doorasho aanay haynin sharcigii ay ku qaban lahaayeen oo ka maqan Xeer Lam 92 oo ku waajibinaya qabashada sadexda doorasho ee Golayaasha Degaanka, Wakiilada iyo madaxtooyada. Sabab kasta ha ku kelifto eh way kari waayeen in ay kala cadeeyaan sida labada doorasho ay u kala horqabanayaan. Taasi waxay nuqsaan ku tahay komishanka.


Dhismaha Qaranku, sida ku cad Dastuurka wuxu uu ka kooban yahay sadex haya’dood oo kala madaxbanaan. Maxkamadda Sare waa haayad garsoor ma noqon karto Xeerdejin. Doorashooyinkana waxa lagu qabtaa Xeerar Baarlaman ee laguma qabto amar maxkamadeed


Hadaba isaga waramimayno marxaladda xasaasiga ah ee dalku marayo. Sidaa daraadeed dhawaaqa laga filayo maalmaha soo socda Maxkamadda Sare ayaa noqonaya muhiim waayo xal wuu noqon karaa lagu soo afjaro khilaafkii dooraahooyinka hadii uu cadaalad noqdo. Waana hubaal in doorasho ay suurogali karto. Haddii kale wuxu horseedi karaa xal la’aan oo ah in aan labadan doorasho iyo tu ka dambaysa oo la isla ogol yahay aanay Somalland dib uga qabsoomin. Tu aan la isla ogolaynna hadalkeedba daa. Taasoo noqon karta bilawgii dhamaadka iyo burburkii Somaliland, Allah kama dhigo eh”

 

Mujaahid Cali Gurey.

     
Loading...