Muxuu Yahay Heshiiska Cusub Ee Somaliland Iyo Itoobiya Kala Saxeexdeen?

Friday May 10, 2024 - 11:50:08
Hadhwanaag
"ayaa lagu sheegay in ay dhanacyadu gaadheen heshiis ku saabsan ..."

Hargaysa (HWN) Somaliland iyo Itoobiya ayaa  kala saxeexday heshiis Somaliland loogu tababarayo ciidamo booliis ah

Dalalka Somaliland iyo Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa ku kala saxeexday heshiis ay Itoobiya, Somaliland ugu tababarayso ciidamo booliis ah oo cusub.
Heshiiskan ayaa daba-socday safar uu dhawaan ku tagay Taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), kaasoo kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Booliska Dawladda Federal Itoobiya Komishaneer General Demelashe General Mechiel, sida uu booliisku baahiyay.

Warka heshiiskan oo lagu   baahiyay barta Facebook-ga ciidanka booliska Somaliland,   ayaa lagu sheegay in ay dhanacyadu gaadheen heshiis ku saabsan tababarada ciidamada booliiska, waxaanu u dhignaa sidan.

Hoggaanka Tababarka Ciidanka Booliska JSL Gen. Cabdi Axmed Tiir  iyo Madaxweynaha Jaamacadda Ciidamada Booliska Dawladda Federal Itoobiya Mesfin Abeba ayaa kala saxeexday heshiis muhiima oo ku saabsan tababarrada labada ciidan boolis.

     
Loading...