Qaabka Golaha Wakiiladu Ugu Kala Codeyay Ansixinto Shan Wasiir Oo Hortagay.

Monday May 13, 2024 - 08:40:18
Hadhwanaag
"kuwaasi oo isugu jiray wasiiro iyo wasiir ku xigeeno."

Hargaysa  (HWN)  Golaha  wakiillada  Jamahuuriyadd  Somaliland  ayaa  shalay  ansixiyay  xubno  ka  mid  ah  golaha  wasiiradda  Somaliland,  kuwaasi  oo  uu  Madaxwaynaha  Somaliland  mudane  Muuse  Biixi  Cabdi  horay  u  magacaabay.


Fadhigii  4aad  ee  kal-fadhiga  8aad  ee  golaha  wakiilada  Somaliland  oo  uu  shir-gudoominayay  gudoomiyaha  golaha  wakiilladda  JSL  Yaasiin  Maxamuud  Xiir  (Faratoon)  ayaa  lagu  ansixiyey  masuuliyiin  qaran  oo  dhawaan  madaxweynaha  JSL  u  soo  magacaabay  xilal  kala  duwan,  kuwaasi  oo  isugu  jiray  wasiiro  iyo  wasiir  ku  xigeeno.


Xubnaha  golaha  wasiiradda  ee  ay  golaha  wakiilladu  ansixiyeen  ayaa  kala  ahaa  wasiirka  wasaaradda  Gaashaandhiga  Somaliland,  wasiirka  wasaaradda  Isgaadhsiinta  iyo  Tiknoolajiyada,  wasiirka  wasaaradda  Dastuurka  iyo  Arrimaha  xidhiidhka  Goleyaasha,  wasiirka  wasaaradda  Gaadiidka  iyo  horurmarinta  Jidadka,  wasiirka  wasaaradda  horumarinta  Beeraha,  wasiirka  wasaaradda  Dhalinyarada  iyo  Ciyaaraha,  wasiir  ku  xigeenka  wasaaradda  xanaanada  xoolaha  iyo  xubin  ka  mid  ah  guddida  Diiwaangalinta  iyo  ansixinta  Asxaabta  Qaranka.
     
Loading...