Dhaqaalaha Kenya ayaa
la filayaa inuu si xowli ah u kobocdo sanadkan, sida uu sheegay Bankiga
Adduunka Arbacadii, saadaashaas oo ku qotonta dib u soo kabashada qaybta
muhiimka ah ee beeraha.
Dhaqaalaha dalka Bariga
Afrika waxa uu kobci doonaan 5.0% sannadka 2023" ayuu Bankiga Adduunku ku
sheegay warbixintiisii u dambaysay ee sanadlaha ah ee Cusboonaysiinta
Dhaqaalaha Kenya, taas oo kor u kacday 4.8% sannadkii hore.
Kadib abaar baahsan oo
dhacday labadii sano ee lasoo dhaafay, oo meelo badan oo beeralayda ah
saameysay ayaa hadda helay roobab ku filan bilihii lasoo dhaafay, kuwaas oo kor
u qaadi kara wax soo saarka iyo hoos u dhigista cadaadiska sicir-bararka.
Si kastaba ha noqotee,
saadaasha kobaca ayaa wajaheysa khataro dhowr ah, kuwaas oo ay ku jiraan
qalelaase kale oo caalami ah oo waxyeelleeya dalabka dhoofka, sida uu sheegay
Bankiga Adduunku.
Kenya ayaa sidoo kale
la daalaa dhacaysa kor u kaca bixinta lacagaha deymaha ah ee dowladda, taasoo
culeys ku keentay dhaqaalaha dowladda, balse qorayaasha warbixinta ayaa sheegay
inay rajeynayaan inay si wanaagsan u dhacdo bixinta deyntu.
VOA