Shalay Maxaan Arkay!

Friday May 26, 2023 - 21:31:00
hadhwanaag
Shalay waxay ahayd maalin argagax iyo cabsi badan wllhi oo anan waligay ilaaweyn.


 


 

Saxafiyad Bushaaro Baanday oo ku xidhnayd  saldhiga dhexe ee magalada hargeisa ayaan subaxnimadii hore u qaaday quraacdii markaan u geeyey waxay isheegtay in maxakamada la geynaayo oo aan sidaa kaga war,hayo ehelka iyo asaxaabta kalena u sheego,  waxan usoo baxay dabada xili mobelkayga askariga dabada fadhiyaa hayey oo aan kaga imi, isla markaan maraayey barxada jeelka kolay cidii gashay waa garanaysaaye baan usoo baxay ciidan tiro badan oo aan ahayn kuwii jeelka iyo gawaadhi qafilan oo jeelka hortagan, markaan wiilkii aan mobelka u dhiibtay, xagiisa usoo dhaqaaqay baa hal mar laygu qayliyey oo si aanan jeclaysan layla hadlay, waxan ku idhi isug mobel kayga qateee waan sii socdabee,

 

Waan kasoo baxay jeelkii oo waxan is taagay meherad kasoo horjeeda mise walaahi aagaba ciidan baa haysa oo xataa isku socodkii baa la joojiyey bulshada haday gaadhi tahay iyo haday dad  lugay naya tahay,  waxa gabi ahaanba la dhaqaajiyey guud ahaan gawaadhidii bulshadu lahayd ee agagaarka jeelka taagnayd,

 

Anigu waan yabanahay oo tellefano ayaan dirayaa si anoo ehelkeedii iyo asaxaabteediiba ugu sheego saaka in maxakamada la gaynaayo oo looga war hayo ,  halkaan taagnaa bay ciidankii cusbaa ee meesha la keenay laba ka midi igu yimadeen iyagoo ileh barwaaqooy meeshan cid loogama ogolee ka dhaqaaq, anoo  yaban baan ku idhi walaal meherad qof leeyahay baan hortaganahay wllhi waxaad qarsanaysaan garan maayee. Si wacan baabay ila hadleen oo waxay dheheen walaal meeshan ka dhaqaaq anagu amar uun baanu qadanaa ee qof iskama doonanee si wacan aan kuu garanaynaa ee wll na maqal oo goobtan ka dhaqaaq wana ka dhaqaaqay oo waxan tagay hotel Damal wadada yar ee ag marta.

 

Ka dib bushaaro Baanday waa la qaaday iyadoo gaadhi qafilan lagu qaday oo gawaadhi kale oo ciidan saranyahayna galbinayso.

 

Isla markiiba waxan ka daba fuulay gaadhi dhaweeye ah oo aan kaga daba tagay maxakamada mise ilahay baan ku dhaartee maxakamadana ilaa wadada laga dego ilaa ta maxakamada racfaanka hor marta ciidan baa haysta.

 

Intaan gaadhiga saarna waxaan wacay garyaqaan guleed dafac iyo walaalkay Ahmed Daud oo gudaha maxakamada ku jira waxayna idheheen wll waan joognaaye soo gal waan soo galay, wana u imi Qareenkii u doodaayey bushaaro iyo Ahmed da,ud iyo guleed iyo wiil kale oo wada jooga.

 

In yar ka dib baa waxa meeshii lasoo galiyey gaadhigii bushaaro siday iyo ciidan barbar yaacaya, isla markiiba nin anan magiciisa iyo wajigiisa garanayn baa intuu gaadhigii kasoo degay xoog u qayliyey oo yidhi waar ninkaa iga soo saara, waar iga soo saara oo dabade iga geeya,   mar kudha ayaaa hareertayda lagala haaday oo ciidan dhawr ahi jiideen walaalkay Ahmed da,ud oo agtayda tagan.

 

Markii Ahmed la kexeeyey baan ana sii jeestay si aan wajigayga loo aqoonsan mise ninkuba waa na garanayaa oo askartii Ahmed ka xaysay mooyee kuwo kale baa intuu xoog u qayliyey yidhi waar naagtan yar iga soo saara sidee bay u soo gashay, mise dumar ciidan ah oo goobta tagan iyo rag baa laygu soo daray oo isoo kexeeyey , isna waxa lasoo saaray saxafi xassan galaydh oo goobta joogay, aniga iyo xasan galaydh iyadoo nala sii wada ayaa waxa lasoo rogay bushaaro Baanday oo labada gacmoodba ay kaga jabsan tahay KATIINAD oo ilmaynaysa  ugu yaraan 6 nin oo qoryo si tana dacal socdaan, gabadhina gacmaha ay ka xidhan tahay hayso,

 

Waxan is weydiiyey oo aan marnaba wllhi niyadayda ka baxayn dhaqamada argagaxa leh oo muwaadinad dalkeedii ku xidhan oo waliba iyadu dhibane ah oo dhaawacyo qabta sidaa loogu galaayo  wali niyadayda kuma soo dhicin bushaaro iyo dad qadiyada somaliland ku weyn tahay baa ku dhex ooyi doona,  se tusaale hay ahaato ciilka iyo calool-yowga  aan markhaatiga ka ahaa, midhna maanta iga qoroo.

 

Walaahi taliskani tubtii buu hayaa talisyadii hoogay


     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...