Gabadhu in ay guursato nin aad nacab tahiin oo xinjirtiinnu qoyan tahay lagulama yaabo, guurkuna waa go'aan iyada u gaar ah. Kow.

Thursday May 25, 2023 - 10:24:55
hadhwanaag
Gabdhaha yaan lagu maagin guurka cadawga


Gabadhii hore ee Soomaaliyeed ninka ka dhashay qolada ay tolkeed xiiraxiiraha yahiin ee colaaddu dhex-taal marka uu haasaawe ka dhexeeyo, waa ay ka xeeladaysan jireen, inta badanna haddii ay ninka doonayaan ballan waagii la nabdo fuli doona ayay la dhigan jireen; iyada oo la qabo haddii beesheedii iyo qoladii ay u dhaxday is dilaan oo rag ilma adeerteed ah oo la laayay loo soo sheego, falcelin degdeg oo damiiri ah ayaa ka imaan jirtay, taas oo qoyska iyo ninka saamayn ku lahayd. Falcelintaasi ha noqoto in ay duddo, in ay isu diiddo ninka iyo waxii kale ee dareenkeeda ka curtaba.


Gabdhaha yaan lagu maagin guurka cadawga e, xalku waxa uu yahay in marka hore ee anshxa diineed, caado iyo Soomaalinimo lagu korinayo, sidoo kale lagu barbaariyo wacyi toleed oo ay si maaddi ah u arki karto ama u dareemi karto. Gabadha la yiri tolka talo kuma lihid, ninka aad guursatid baad la tol tahay, shaqada laga qadiyay, go'aankeeda qoyska laga maroorsaday, waxa loola yaabo in ay qiimayn waydo arrimaha ka dhexeeya beesheeda iyo beesha ay is dooxayaan waa doqonnimo. Immisaa se la arkaa gabdho marka ay reerkooda iyo reerka qaba is laayaan gurigooda u dumiya, immisaa shukaansi kan ilma adeertood la colka ah ka dhexeeyay u gooya, intee se dahabkooda u iibiya walaalahood?


Dumarka Isaaqu waa ay wacyigashan yahiin, arkina maysid gabar qaddiyadda tolkeed lid ku ah ama ninkeeda oo Daarood ah ama Soomaali kalaba ah ka raacaysa--waxaaba ay jiitaan ragga qaba oo la arkaa isaga oo walaalkii soo xabaalay oo haddana rabitaankeedii yeelaya. Tani waa wax wanaagsan marka dhankooda laga soo eego, waana wax ka yimid wacyi toleed oo gabdhahooda lagu barbaariyo. 


Ma jirto dhaqan ahaan gabdhaha Isaaqa xaquuq tolkoodu siiyo, waana isku mid iyaga iyo Soomaalida kale oo isku si baa dhaxalka looga qadiyaa, wiilkuna isaga dhigaa kan keligii dhiigga aabbihii ah, keliya se iyaga waa loo sheekeeyaa oo iyaga oo haya macluumaad qabiilaysan ayay guursadaan.


Waxaa Qorey : Abwaan  Gorod Jare

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...