Musuqmaasuqa Caa'iladda Madaxwayne Muuse Biixi

Thursday May 25, 2023 - 09:57:48
hadhwanaag
Marka hore se waxan kuu soo gudbinaynaa qoraalkan



Halkan ka ogaada sida hantida qaranka Jamhuuriyadda Soomaaliland loo xado, ama loogu takrifalo ama laysugu qaraabo-qabiil-kilo ama caa’iladda madaxwayne Muuse Biixi u qaadato. Hadaad kutidhi-kuteen u arragtaana waxaa loo tixraacaya caddaymo markhaati ma doonto ah ee halkan ka akhrista. Marka hore se;


Warbixin hayad caalami ahi (Transparency International) ka diyaarisay Musuqmaasuqa ka dhacayey Jamhuuriyadda Soomalilland muddo 15kii sano ee ugu danbaysay ah oo dhinacyo badan taabanaya ayaa waxa noo suurtowday in aanumacluumaadkan uga soo diyaarino akhristayaasha xiisaynaya waxa lagu sheegay Warbixintaas..


Kadib baadhitaan iyo xaqiijin ku timi u kuurgal dheer oo ilo xogogaal ah oo caddaymo ku ladhaya warbixintoodana, ay noo suurtowday in aanu la kulano, waxan arragnay in aan indhaha laga qarsan-karin foolxumadan iyo dunuubtan ummaddan danyarta u badan ah laga galayo. Sidaa darteed waxannu kaaga soo diyaarinay silsilad maqaalle ah oo qayb-qayb ah.


Marka hore se waxan kuu soo gudbinaynaa qoraalkan kooban oo isdultaagaya dhamaaan dhinacyada kala duwan ee boobka hantida qaran, wax is dabamarinta iyo musuq-maasuqu u dhaco intiisa badan, inta aan soo hubsannay kaliya; Haddaba;


Ma ogtahay akhristow heerka musuq-maasuqa dawladdan Muuse Biixi Cabdi in uu recordhada jebiyey. Ha se ahaatee xirfadaha loo isticmaalo musuq-maasuqan ayaa ah 3 nooc. Silsiladdan taxanaha ah oo tooshka ku shidaysa xirfadahaas oo isugu jira kuwo;


1- Qaraabokiil ah oo dad gaar ah lagu naas-nuujiyo dadkaas oo ah kuwo madaxwaynuhu uu abaal-taageero-maal (Lacageed) hore ugu hayey. Dhammaan mid-mid iyo mashruuc-mashruuc ayaanu u soo bandhigaynaa.


2- Kuwo si qasab ah oo u xoog-sheegasho ah loogu shirkadoobo oo xaafadda Madaxwaynaha iyo dad mashruuca markii hore watay oo dhexda laga sii raacay ayadoo si kale aanay wax ugu suuroobayn dadkaa ganacsatada ahaa, tanina mid-mid iyo mashruuc-mashruuc ayaanu u soo bandhigaynaa.


3- Iyo, kuwo caa’iladda madaxwaynaha u gaara, oo xataa dano qaran oo dhabarjab ku ah Soomaaliland looga doorbiday. Kuwanna mid-mid ayaanu isku dul taagaynaa.


Haddaba, Aan ku billawno kuwa Caa’iladda madaxwaynaha ee xattaa danaha qaranka muhiimka u ah loogu laalay dartood. Waxan u malaynaynaa inaad kuwaa xiisaynaysaane; markaanu leenahay danaha qaranka waxa ka mida ah;


1- Qiimaha shidaalka oo sicir-barar ku keenay Qarankan markiisii horeba bestii ahaa dhinac walba, shidaalkaas oo loo xidhay shirkad ku caan baxday in ay laaluushto madaxda Africa qaar, kadibna caa’iladda madaxwaynayaashaas Africa heshiis kula gasho in ay kaligeed keento shidaalka macaashkana qaybsadaan labada dhinac. Shirkada waxa lagu magacaabaa Trafigura Petroleum. Hadaad mamcluumaad iyo caddayn u baahataan waxad Google-graysaan headlines-kan qaarkood…….. Trafigura Petroleum corruption, Africa, waxa kuu soo bixi doonta fadeexado iyo macluumaad musuq-maasuq, kuwaas oo kugu qaadandoona maalmo badan akhriskoodu.


Akhristow waxad ogaataa in qiimaha shidaalku qaali-gareeyo qiimaha shay-kasta oo kor loo qaado, gaar ahaan laydhka, biyaha-booyadda, meceeshadda la quuto iyo waxkasta oo gaadhi lagu qaado. Ayada oo meesha laga saaray shirkadihii la tartami lahaa oo shidaalka jabin lahayd. Dhiigyacabnimo iyo arxan darro ka wayni ma jirto. Aakhirona yeelkeed weeye………..


2- Wali waxaynu ku jirraa musuq-maasuqii caa’iladda Madaxwaynaha iyo hagardaamada danaha Qaranka-e waxa sidoo kale loo xidhay diyaaradaha oo xaafaddu wakiil u tahay diyaaradda Ethiopian Airline. Waxa markii hore la joojiyey diyaarad jaban oo la yidhaa Fly-Dubai. Akhristow Fly-Dubai waxa iska leh Boqor-Maxammed-ka Abu-Dhabi oo halkaa xidhiidhkii imaaraadka iyo Soomaaliland khatar galisay. Waan-waan kadib waxa loo ogolaaday duulimaadyo kooban. Duulimaadyadaa koobani waxay suurto geliyeen in ummaada Soomaaliland lacago qaali ah diyaaradaha ku raacaan oo ku duulaan marka tartankii diyaaradah kala duwan la carqaladeeyey ee cunaha la qabtay.


3- Inta ugu waawayn musuqmaasuqa Caa’iladda Madaxwaynaha iyo hagardaamada danaha qaranka ay arrimahaasi ku hayaan ayeynu wali ku sii jiraa-e Akhristow waxad la socotaa in Dal aan la aqoonsanayn oo dedaal kasta U BAAHAN aynu nahay, isla markaana Dawladda Imaarka Carabtu u ogolaatay in ay Paasapoorka Soomaaliland visa-ha ku siiso haddii ay Soomaaliland hirgeliso mashruuc lagu teyeynayo paasapoorka Soomaaliland oo loo beddelo mid electronic/Biometric ah si loo sugo amniga socdaalka Imaaraadka maadaama mandaqaddani tahay mid xagga amniga looga dayriyo.


Dawladdii hore ee Axmed Siilaanyo mashruucaa waxa qaatay Caa’iladdii Madaxwayne Siilaanyo, oo markay ku guul-daraysatay hirgelinta tayeynta paasapoorka, inoo soo dhoodhoobta oo soo samaysay mid been-abuur ah halkaana caa’iladii Siilaanyo ku lunsatay sida hayadda Caalamiga ihi qortay lacag dhan $3 malyuun oo Dollarka maraykanka ah. Hadaba maxaa ku xigay markii la doortay Siilaanyo Shoodhihiisii Muuse Biixi? Waxa ku xigtay…….Laga baray-laga-badi…., Caa’iladda Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi-na halkii bay ka sii miistay oo sida lagu sheegay isla warbixintaas oo aanu ka soo hubinay saraakiisha Hayadda Socdaalka iyo Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliland oo labaduba xaqiijiyeen in isla caa’iladda madaxwayne Biixi qaadatay mashruucaas Sannadkii 2022gii ilaa imikana aan waxba ka soo naaso caddayn.


 "LAGA-BARAY BA-LAGA-BADI” ku darsoo akhristow lacagtuna intii hore ka badan. Horaa loo yidhi Raq-ninkii lahaa….. hee….. dabada jiidayo ………..


La soco, qoraalka kan xiga waa qayb ka mid ah qodobadaas oo dhammaan lagu lifaaqay, Tirada Lacagaha la boobay, Saamiyada % lagu heshiiyey, magacyada Budhcadda iyo caddaymo waaweyn oo marag ma doonto ah.

Iyo Akhhri Wacan.

Axmed Muxumed Aw-Cumar

London, UK

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...