Cabdiraxmaan Muuse Coldoon oo la Dar-daarmay walaakii Cabdimaalik Coldoon.

Tuesday March 25, 2025 - 07:50:31
hadhwanaagnews
Xukuumadan cusub waa tii kuu fasaxday inaad jeelasha booqto...


Cabdimaalik muuse coldoon walaal wax dhiba ma jiraan ee dadkaaga dhinac ka raac markaad wax dhaliilayso si asluub leh u dhaliil .

Xukuumadan cusub waa tii kuu fasaxday inaad jeelasha booqto oo aad dadka kasoo deyso adigoo wanaag badan samaynaya .

Waxaad diido oo aanad waxba ka bedeli karin qalbiga ka diid قوله تعالى: {لاَ يُكَلِّفُ اللّهُ نَفْساً إِلاَّ وُسْعَهَا..}
Wanaag badan ayaad ummadda u haysaa waana laguu ogyahay samafalkaaga iska sii wado .

Bal sawiro maanta oo ay ciidii soo dhowdahay adigoo jeel gala boqolaal agoona ayaad ciidsiin lahayd oo zaka dadka uga soo uruurinaysa , dad badan ayaad jeelasha kasoo deeynaysaa , ceelal biyo ah ayaad gacanta ku haysaa waxaa soo dhan way istaagi lahaayeen .


Waxaad isbarbar dhigtaa waxaas oo khayr iyo maslaxad ah iyo dhaliil yar oo lagugu xidho .
Xukuumadan waa xukuumad ku timi isbede bulsho waxaan hubaa in xafiiska Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cirro kuu furanyahay waxaad qoonsato waad ula tegi kartaa waa nin wanaagsan oo degen oo dadka dheygesta .

Ugu dambayn Wadankan Somaliland ayaa la dhahaa shacabka ayaa ku faraxsan waa inaad dareenkooda u ixtiraamtaa .
Wa bilaahi towfiiq
     
Loading...