Onkodaw Dhac Oo Xeeshaa Dhac Abdi-Shotaly)

Thursday May 25, 2023 - 08:32:36
hadhawanaag
* N.B Dameertu Geella Ha Iga Didisee, Weliba Way Ii Sii Qururuf Leedahay!


Waa duni iyadda oo is wadda xaal og, oo aanay wax u kala qarsooni jirin, hadana ay qaar ujeedo gaar ah wataa ( Waa labadda askari iyo saleebaan yuhuudiye), ay doonayaan waxa aan soconayn, oo sidda cadceedaas u muuqdda In ay ummadda u dedaan, iyaka oo isku deyaaya, in qudhunka ay faraha kula jiraan inoogu sheegaan dahab Shiilan, taas oo been iyo munaafaq ah aan sal iyo raad lahayn ah, iyaka oo ku fusha-naaya dana-hoodda gaarka ah, ee aynu isla wadda garanayno.Kaaga darane dhibka iyo balaayadda ay dhigeen, hore iyo diba, imikana taagan bay doonayaan in ay inoogu dheegaan cid kalaa wadda. Waxa la yidhi oo ay maah-maahi ahayd " Sakaaro Xaar La Arkaayo Bay Aas-aastaaye". 

Waad maqlay-seen coomirkii Saleebaan Yuhuudi, oo beladdii uu abuuraayey iyo cuqdaddii seedaha goysay, markii ay ku soo kartay, cunaha ito cagahii isku xidhay, dhuuni ka degi waayey, irbadi dun u geli weyday, is leh meel kale farta ugu fiiq, oo iska jeeddii wixii aad ku cayn iyo bayd-ba ugu goyseen isaga iyo " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo ka ay ku adeeg-taan ee Geenyo-Shaaximan, oo bello mooyee aan weli sheeko iyo shaahid mid-na aan laga haynin, meel ah kob cagaar leh-na aanay abid-kood ka soo durdurin.

Dad-kani ways hundo go-yihiin, mana jirto wax la isu hoos gelin karaa, qof kastaa wuxu yahay, aqoon-tiisa, ficila-diisa,siduu u fekero, daacad, khaayin, munaafaq, beenaale, tuug iyo sidduu u dhaqmo waa la kala yaqaan, qof-na-qof kale ku kama khalda-maayo.Iyadda oo sidaas ah baa hadana inta xun ee ay ugu horeeyaan labaadda askari iyo saleebaan Yuhuudi,rabaan in ay ka galgashaan dunuubta ay ilaa yoomal-diin kala dhex dhigayaan ummadda iyo qaska aanay faraha kala baxayn, is leh-na meel kale ku jeediya aqoon xumidda haysa iyo liidnima-doodda, yaa ka liita oo aan garanayn waxa ay yihiin. Horaa loo yidhi " Nimaad taqaano uur-kiisa baad ku jirtaaye" Iyaka oo og in laga horeeyo, oo waxay soo wadaan la sii og-yahay iyo far-toodda bay hadana doonayaan in ay damba-basaan. Akhristaw shalay waad maqalay-seen Saleebaan Yuhuudi wuxuu la cantaata-qaayey, ee uu lahaa " Waar ha na seexin, meel waliba way qiiqaysaa, oo foodda baa la iskula jiraa, waa lagu maqan yahay iyo cantara-baqash-kiisii uu la hantaatici jirey".

 Aan idin waydiiyo'e, horta yaa ka mansuul ah ee aan iyaka ahayn? ilaa iyo dagaalkii marya alool miyaanay iyaku ka darawaliin ahayn? Ma cid kalaa ay ahaayeen? Yaa la isu yeel-yeelayaa ee aan ogayn? Duulku waa wax aan maskax iyo dadnimo mid-na aan kahan, hadana wax aanay ahayn is mooday, wax-na aan loo diran jirin, xataa wixii aynu ku sheegi jirney " Halgankii SNM" Taas oo hadh cad habar-dugaag ku kala tegay, ay ugu horeeyaan saddexdan sare aan ku soo xusay iyo Cayayaanka ay dabadda ku wataan.

Wuxu yidhi Tima-cade (Ihun) " Docdda saylac iyo xeebta iyo ilaa webiga daaciisa, degma-deena oo idil, markaan deyey abwaag-teedda, nimaan duubaydu naafo noqon, deelka laga waaye" Waa run koone-ilaa koone, doc kaste eega oo ma meel bed-qabtaa jirta maanta? Dalka weli kamay dhicin colaad dhamaan ina saamaysaa,oo aanay iyaku dhigini, intii ay xukunka boobeena haldal-keedda daa, maalintii ugu horeysay ilaa saaka gees-ka-gees waataas qiiqaysa.Waxa ay xikmadi ahay " Onkodow dhac oo xeeshaa dhac" Waa cayn-kaase, Imika Sleebaan Yuhuudi, wax kale uma ham iyo dig laha, ee waa siduu labadda askari, ugu kordhin lahaa mudo 3 sano ah oo kale, isaga oo marmar-siiyo ka dhiga-naaya, doorasho lama qaban karaayo, oo dagaal baa ka socdda dalka, ee dib ha loo dhigo, oo ay ugu dhacdo siddii ay markii hore-ba qorsha-hoodda ugu tallo galeen. In daagaallo ay ogaan, ka bacdina markay isla qaraxdo, ay sidan inoogu dhigaan, waase haddii laga yeello oo la ina marsiiyo. Murti baa ahayd " Dameertu geela ha iga didisee, weliba way ii sii qururuf leedahay" Waa sidaase, kuwii waxaas oo dhan u aabaha iyo hooyadda ahaa, meel walba colaad iyo baaruud la dhacay, isku kiin jeediyey, baa weliba idiin soo bay-baysa-naaya, ee suura-gal ma tahay? Xintan iyo hebel iyo beel heblaayo iska celi, ay u sii raacsan tahay, aqoon xumo iyo ku day ay eegayaan sidda aynu ka yeello, ku darso oo weliba ay u sii dheer tahay cuqdad beeleed, doonista kursi boqor-tooyo khiyaali ah oo la sawirtay iyo badheedh ula-kas ah. Ummad yahay idinka bay idiin taalla, sidda aad hadba ugu fal celisaan.


* N.B Dameertu Geella Ha Iga Didisee, Weliba Way Ii Sii Qururuf Leedahay!

Qore: - Abdi-Shotaly.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...