Nin Isaggii La Haystaa Miyuu Taliyaa (Abdi-Shotaly)?

Monday April 14, 2025 - 18:34:15
hadhwanaagnews
N.B Maamul Madhani Meel Kuma Gaadhsiiyo.

" Al-shababland" iyadda oo aan cid-na xukumin, bay ku leedahay, wax baan u gar qaadayaa, saw waali iyo af-kala-qaad maaha?.
Ma jirto maamul dhexe oo somaliyi leedahay, tii af-weyne baa ugu dambayday, dib-na Isugu soi noqon mayso, xuduudda S/Land cid dafri kartaa ma jirto, kan yar ee Ogaadeen Xamar bay ku Xukuntaa "Al-Shabaab" oo maamul-kiisa Xamar waxaad somaliya u taqaan " Al-Shababland" cid uu xoroyn karo iyo wax ka qaadi karo baa iska yar, laas-caanood-na waa Somaliland nin diidan iyo mid ogol-ba. Kii caga-baruurkan soo miineeyey ee Xasan Sheekh baa dhabarka ka toogtay, oo dad hortii qarxiyey, sheegay-na in Sool ay tahay S/Land, Ma jirto wax la yidhaaho SSC, ee waa magac ay in yari ku raadsato macaash, Awdal-na waa " XOR" Oo dad-keedu wax dhib ah ma qabaan, mana jirto cid ku duulaan ahi, iyaka baa iska diiday " Al-Shababland " waayo wax ka maqan baa iska yar, in dan gaara ka leh baa doonaysa in ay Ummadda Gobta ah ee "Reer Awdal" in ay baradda ka saarto, taasina wax dhici kara maaha, oo Ummadda Samaroon Iyo Ciise mid-na durbaan haraggii ka qoyey, oo bilaa sanqadh ah way ka tashatay, oo waa Somaliland.

Xasan Sheekh Iyo Xamse iyakii baa Afrikaan Qaawani Ilaaliyaa ee yey wax u tari kartaa, waxay cid kale tarayso, may iyaku taransato. Akhristaw, dad baa jira ku nool khiyaali, oo iyaka oo seexan riyooda, kuwaas waxan odhan lahaa marka hore " Seexdda Si Aad Sax Ugu Riyootaan" inta aydin been, huu-haa iyo wax aan jirin, qabiil nacayb iyo munaafaqad isku maaweeli-naysaan aan meel idiin wadayn. Haba-yaraatee, ma jiro Maamulka magaca Somaliyeed u dhex ahi, xagee buu ka jiraa bal ii sheega qofka hayaw. Kuwa Xamar yidhaah-dda " Dawlad Dhex Baanu Nahay" Ee Magaca aan jirin ku shaqaystaa, iyaka baa la haystaa, oo hoos taga " Al-Shabab" Oo u baahan wax ka xoreeya, ee bal adba is weydii oo yey wax yeeli karan ama u qaban karan.

Maah-maah hore, aan idhaah-do " Xikmade Ama Murtiye" Baa ahayd " Nin Buka Boqol U Talisay" sidaas awgeed " Al-Shababland" iyadda oo aan cid-na xukumin, sidee bay ugu gar qaadi kartaa? Yaa amar ka qaata? Yey wax u yeedhin kartaa? Waa kee " Maamulka Goboleedka maamushaa? Yaa maamula Xamar? Meeday Jubaland? Puntland? Galmudug? Koonfur Bari ( waa Baydhabo'e)? Intaba waxa ka talisa, oo cashuurta ka qaadda " Al-Shabab" iyadda oo sidaas xaal-keedu yahay, bay Somaliland oo 34 sano horteed ka dhaqaajisay ay weli leedahay waanu xukunaa? Saw wax afka ka weyn iyo waali cad maaha? Bal kuwa daba ordaayaw iiga jawaab oo ii sheeg " Cidda "Al-Shababland" wax weydiisa ama ay Xukunto? Waxan ku soo xidhay maqaalkan, magaaxidda la yidhaaho " Villa Abgaal" ( Waxad u taqaan Villa Somaliya) xaal-keedu waa " Nin daad qaaday Xumbo Cuskay" Ee iska daaya kolba derbi ha isku qaadee!
N.B Maamul Madhani Meel Kuma Gaadhsiiyo.
Abdi-Shotaly.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...