"Dalka Somaliland Wuxuu Haystaa Kayd Ballaadhan oo Shiidaal ah…" Warbixin

Thursday May 01, 2025 - 11:16:57
hadhwanaag
"Dalka aan wali si caalami ah loo aqoonsan ee Somaliland a



Suxufiga Savio Rodrigues ayaa warbixin uu ku daabacay shabakada Goa Chronicle ee dalka Hindiya, ku sheegay in haddii Jamhuuriyadda Somaliland ay si waxtar leh u maamusho shiidaalka dihin ee dalkeeda ku jira ay noqon karto waddanka ugu hodansan qaarada Afrika.

 

Savio Rodrigues wuxuu warbixintiisa oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka ee SOLNA, uu ku booriyay Somaliland inay shiidaalka ceegaaga waddankeeda ula soo baxdo si aqoon leh oo hufan ,una maareyso si ay uga badbaado hadimooyinka shiidaalku u horseedo dalalka Afrika oo ka dhaxla musuqmaasuq, dib u dhac iyo colaado.

 

"Dalka aan wali si caalami ah loo aqoonsan ee Somaliland ayaa haysata kayd ballaadhan oo shiidaal ah,” ayuu yidhi Savio Rodrigues; waxaannu intaas ku daray in shiidaalka Somaliland noqon karo mid ka mid ah keydadka waaweyn ee Afrika.

 

Warbixinta shabakada Goa Chronicle waxa ay saadaalisay in shiidaalka Somaliland u noqonayo badhaadhe dhaqaale iyo madax-bannaani u horseeda Somaliland.

 

Waxa kaloo uu majeertay in Somaliland ay leedahay rejo weyn, maadaama oo iyada oo aan haysan aqoonsi— ay muddo ka badan 30 sanno ay ku tallaabsatay deganaansho iyo dawladnimo shaqeynaysa. Waxaanu suxufi Savio Rodrigues ku ammaanay Somaliland inay qabato doorashooyin dimuqraaddi ah oo naadir ku ah Geeska Afrika.

 

Warbixintu waxa daliishatay haddii ay Somaliland sii xoojiso hufnaanta maamulka dakhliga shiidaalka dalkeeda laga soo saari karo, una isticmaasho maalgashi ballaadhan oo lagu horumarinayo waxbarashada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo tamarta ay leedahay fursad ay ku noqon karto xarun ganacsi iyo dhaqaale islamarkaana ay ka dhignaan doonto Singapore–ta Geeska Afrika.

 

Mr. Savio Rodrigues wuxuu ku dooday in Somaliland ay xilligan taagan tahay oo meel go’aan qaadasho taariikhi ah u baahan, waxaanu xusay in shiidaalku uu fursad u yahay Somaliland oo ay arrintaasina ku xidhan tahay in hoggaankeedu si hufan u maamulaan oo shiidaalka waddanka u arkaan "mustaqbalka iyo aayaha dalka.”

     
Loading...