Bismillah,
Waxaan qoraalkaan kaga
hadli doonaa cabitaanka loo yaqaano "Vimto” oo aad looga cabo gayiga soomaalida
iyadoo dad badan ay ka aaminsan yihiin inay caafimaadka u roon tahay ama lagu
daaweeyo xanuuno kala duwan, taasoo keentay in dadka xanuunsan iyo haweenka
umusha ah lagula dardaarmo!.
Marka ugu horayso aan
qoraalka ku bilaabo taariikh kooban ee ku saabsan cabitaankaan, waxaa
cabitaankaan asalkiisu ka soo jeedaa dhulka ingiriiska, waxaana sameeyay nin la
oran jiray "Nicholas” sanadka markuu ahaa 1908 oo hadda laga joogo 109 sano.
Ninkaan wuxuu ahaan
jiray dadka wax ku daaweeyo dhirta iyo geedaha, wuxuuna cabitaankaan u sameeyay
daawo ahaan markii ugu horaysay, taasoo laga garan karo magaca cabitaanka u
bixiyay oo laba eray ka kooban: "VIM” oo ah awoodda iyo caafimaadka qofka iyo
"TONIC” oo ah soo celin ama kobcin.
Wuxuu sheegay ninkaan
markii hore in cabitaankiisu uu ka samaysnaa illaa 23 geedo daaweed oo la isku
daray, kuwaasoo uu diiday inuu magacooda sheego, waxaana waqtiyadaas laga heli
jiray kaliya dukaamada lagu gado daawo dhireedka, muddo ka dib cabitaankii
wuxuu yeeshay suuq, wuxuuna ninkii bilaabay olole ah in daawo ahaan loo
aqoonsado cabitaankiisa, 4 sano ka dib wuu ku guuleystay oo dowladda ingiriiska
waxay cabitaankii oo weli magaciisii hore wato u aqoonsatay inuu yahay "daawo”,
waxaana lagu daray liiska daawooyinka (1912).
Sanadkii ku xigay 1913,
aqoonsigii waa lagala laabtay baaritaan dheeraad ah ka dib, waxaana loo
aqoonsaday "Vim Tonic” inay tahay cabitaan oo aysan daawo ahayn, waxayna
shirkadda magacii u soo gaabisay "Vimto”, laakiin maadaama magac daawo mar loo
aqoonsaday, suuq fiican ayay heshay, shirkaddiina waxay fursad u heshay inay
cabitaankii la geeyo dukaamada iyo suuqyada lagu gado cabitaannada caadiga ah,
welina lagu sii beeciyo dukaamadii dhir daaweedka.
Cabitaanka Vimto waxaa
la bilaabay muddo ka dib in loo qaado ciidamadii ingiriiska ee joogay dalka
India, kadibne rag hindi ah ayaa dalka sacuudiga u keenay suuq geyn, waxaana
cabitaankii la wareegay shirkad laga leeyahay dalka sacuudiga oo halkaasi ka
aasaastay warshadda ugu wayn ee Vimto leedahay, waxaana looga dhoofiyaa illaa
iyo maanta dalalka carabaha oo ay soomaaliya ku jirto.
Wuxuu cabitaankaan
dalka soomaaliya soo gaaray muddo laga joogo ku dhawaad 50 sano, waxaana illaa
iyo hadda bulshadu badankeed aaminsan tahay in cabitaankaan laga leeyahay dalka
sacuudiga ama dalal kaloo carab ah.
Wadamada ugu badan ee
laga isticmaalo waa carabaha, waxaana la qiyaasaa in sanadkiiba laga beeciyo in
ka badan 35 million oo dhalo vimto ah, kala bar beecintaas waxay dhacdaa bisha
barakaysan ee Ramadaan iyadoo la aminsan yahay inay u roon tahay qofka sooman
si uu tamar iyo awood uga helo, waana dhif in laga waayo miiska afurka!. diraasad
ay haddda ka hor samaysay BBC-da si ay u ogaato sababta carabtu ay Fiimtadu u
cabto bisha ramadaan, waxaa lagu ogaaday inay tahay caado dhaqameed ay ka
dhaxleen aabayaashood.
Sababaha ka dambeeyo in
cabitaanka Vimto loo arko daawo ahaan:
Maadaama Vimto markii
ugu horaysay ay suuqa ku soo gashay magac daawo ahaan, aad ayay uga faa’iday
shirkadda, waxayna illaa 90-meeyadii loo xayaysiin jiray cabitaan caafimaad
ahaan, tan ayaa keentay in bulsho walba ay ka aaminto waxyaabo kala duwan in
lagu daaweyn karo sida dhiig-yarida, nafaqo-la’aanta, cunno-xumada, dhiig-baxa,
tiibishada iyo lafo-jajabka, taasina ma ahan mid sax ah sida aad ku arki
doontid qeybaha hoose.
Maadaama cabitaanka
Vimto in ka badan 100 sano laga daba waday xayaysiin lagu qiyaasay in balaayiin
dollar ku baxday, iyadoo weliba lagu sheegayay inuu caafimaadka u roon yahay,
waqti aqoontuna yar tahay ay ahayd, waxay shirkadda ku guuleysatay inay si
sahlan suuq ku hesho, waxaana illaa iyo hadda laga isticmaalaa in ka badan 65
wadan, waxaana lagu tiriyaa Vimto inay ka mid tahay shirkadaha fara ku tiriska
ah ee ku badbaaday xayasiinta.
Maadaama cabitaanka uu
nooga yimid dal islaam ah oo bulshadu aysan ka didsanayn, weliba adeegsiga
cabitaanka lala xiriiriyay xilliyada soonka oo lagu afuro iyo xajka oo hadiyad
ahaan looga keeni jiray, aad ayay bulshada ugu dhex faaftay in daawo iyo
cabitaan ahaan loo isticmaalo si shakki la’aan ah.
Maadaama badanaa
Vimto-da dalka la keeno ay tahay nuuca "Vimto Cordial” oo ah midka tiqda ah oo
aan la barxin, taasoo boqolkiiba 90% shirkaddu ku samayso dalka sacuudiga,
waxaa dadka laga dhaadhiciyay in aan la wada cabi karin, ayna u baahan tahay in
la qasto sidii daawada, inyarne laga cabo, waxaadna ka dareemi kartaa sidii ay
hooyooyinkeena ma ayeeyayaasheena u isticmaali jireen iyagoo furka ku cabi
jiray iyadoo aan la barxin subaxdii iyo habeenkii daawo ahaan, laakiin taasi
waa khalad dadka laga dhaadhiciyay oo aysan shirkaddu ugu tala galin,
maxaayeelay waa qaab ka mid ah qaababka cabitaannada shirkadaha u sameeyaan,
iyadoo la barxay iyo iyadoo aan la barxin, midka la barxay wuu ka raqiisan
yahay midka aan la barxin!
Waxaa waagii hore jiray
dhakhaatiir badan, inkastoo hadda ay yaraadeen oo bukaanada kula dardaarmi
jiray inay fiimtada cabaan si ay awood u helaan, laakiin daawo ahaan uma aysan
qori jirin!.
Maadaama cabitaanka
Vimto uu wadanka yimid iyadoo aan la aqoon cabitaannada dhalooyinka ama
gasacadaha ku jiro, way sahlanayd in daawo ahaan dadka looga dhaadhiciyo
maadaama bulshadu ay taqaanay sharoobooyinka daawo ahaanta loo isticmaalo.
Dad badan ayaa yiri in
midabka fiimtada darteed ay dadka u aamineen in dhiig-baxa iyo dhiig-yarida u
roon tahay, taasi sax ma ahan, laakiin waa laga yaabaa in fikraddii khaldanayd
ay sii kaalmeysay.
Maxay Vimto Ka samaysan
tahay?
Inkastoo muddo badan ay
shirkaddu diidanayd inay shaaciso waxa cabitaankeeda laga sameeyay, laakiin
muddo dhaw ayaa la ogaaday inay ka samaysan tahay waxyaabahaan:
1- Biyo lagu daray
cunsurka Carbon-ka.
2- Boqolkiiba 3% waa
dheecaan furuto sida cinabka iyo tuutka.
3- Aashitada "citric
acid” iyo "malic acid” (Waa fiimtada qaar ka mid ah)
4- Dhadhan iyo caraf la
sameeyay oo shirkadda u gaar ah.
5- Rinji ama color la
isku daray oo cunnooyinka lagu midabeeyo oo shirkadda u gaar ah.
6- Walxo cabitaanka
lagu xifdiyo sida "Potassium sorbate” iyo "Sodium Benzoate”).
7- Sokor (Vimto aan
sokor lahayn way jirta).
Shrikaddu waxay
samaysaa dhowr iyo toban nuuc oo Vimto ah, waxyaabaha asalka ah waa iskaga mid,
laakiin waxyaabo lagu dardaro ama laga saaro way jiraan.
Vimto iyo Caafimaadka:
Vimto waa cabitaan ka
mid ah cabitaannada la qasto, ma ahan daawo lagu daaweeyo cudur ama cillad
qofka ku dhaco, haddii la barbardhigo cabitaannada kale ee soda-da sida Pepsi
iyo Cocacoladu way ka dhib yar tahay markii la fiiriyo qaabka loo sameeyo iyo
waxa laga sameeyo. Sidoo kale Vimto looma isticmaali karo nafaqo ahaan,
lagumana daawayn karo nafaqo darrida sida bulshadu qaar u isticmaasho.
Ma jiro cudur la magac
dhabay oo laga qaado cabitaanka fiimtada, laakiin taasi kama dhigna inay
caafimaadka u roon tahay, caruurta yaryar iyo hooyada uurka leh looma siin kaor
nafaqo ahaan.
Haddiiba la
isticmaalayo, waxaa roon in caano lagu darsado inta biyo lagu dari lahaa ama
sideeda loo cabi lahaa, khaasatan markii aad ku afuraysid adigoo gaajaysan.
Laakiin dadka sideeda ku isticmaala iyadoo aan la barxin waxay ka qaadi karaan
xanuunka gaastirikada iyo laab-jeexa.
Haweenka ku jira
xilliga umusha ama dadka xanuunka la jiifo, waxaa haboon wax dabiici ah oo
waxtar u leh ayaa buuxa in loo hadiyeeyo ama lagula dardaarmo meeshii looga
gayn lahaa cabitaanka Vimto.
W/Q: Dr. Abdullahi A.
Mahdi
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!